Video:-Gaalkacyo ka dib MD Farmaajo oo la ogaaday halka maalinta berito ah ku wajahan yahay

0

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Faramaajo oo maalintii labaad booqanaya magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa maanta dadweyne kula hadlay barxad ku taalla xarunta madaxtooyada maamulka Galmudug ee koofurta magaalada.

Madaxweyne Farmaajo iyo Xaaf oo si wada jir ah u dhagax dhigay dhismaha Wadada isku xirta magaalo xeebeedka Hobyo iyo Gaalkacyo.

Wuxuu ballan qaaday in dawladdiisa ay wax ka qaban doonto dhismayaasha kaabayaasha iyo mashaariicda horumarinta bulshada.

Mr Farmaajo intii uusan khudbadda jeedin wuxuu soo kormeeray goobo ay labada dhinac dagaallo ku dhex mareen, wuxuuna amar ku bixiyey in ciidamo weli goobahaas ku sugnaa laga kaxeeyo.

Madaxaweynaha iyo Wafdiga uu hogaaminayo ayaa lagu wadaa inuu maalinta berito ah u ambabaxo Gobolka Galgaduud halkaasoo si weyn looga sugayo.

Leave a Reply