SHIRKADA HORMUUD WAA BLACK WATER-TA KOONFUR GALBEED

0

Xog aruuris aan kasameyney deeganada koonfurgalbeed ayaa waxey muujineysaa in shirkada isgaarisiinta lagu magacaabo hormuud oo ah shirkadaha ugu xooga badan deegaanada koonfureed ee soomaaliya in shirkadu dhiigmiirisho kusameyneyso deegaano gaar ah, halka deegaanada kalana ay ka qeyb qaadaneyso  horumarada deeganadaas.

Hase ahaatee shirkada hormuud waxey kasoo xareysaa dakhliga ugu badan deegaanada koonfur galbeed tusaale magaalada 1aad ee dakhliga ugu badan kasoo xareyso hormuud waa caasimada mogadisho halka magaalada 2aadna ay tahay Baydhabo magaalada 3aadnadegmada Afgooye ayadoo laxaqiijiyey in 83.5% faaiidada shirkada hormuud ay kasoo gasho deegaanada  koonfur galbeed ayaa hadana deegaanada koonfur galbeed kamuuqan waxqabadka guud ee shirkada.

Intaan xog aruuriska kujirney ayaa waxey noosheegeen dadka deegaanada  dhibaatooyinkan soo socoda;

Tayo xumo xaga qadka teleefoonka ,

dadka kudhaqan magaalooyinka,  baraawe, baydhabo iyo xudur ayaa dhamaantood waxey si isla mid ah ugu wada cabanayaan in lacagtooda ka go’odo ayagoon lahadlin qofkii ay rabeen taas oo ay kusifeeyeen in aan la ismaqal lacagtana ku socoto taas oo ugu wacan in shirkada isgaarsiinta hormuud  ay deegaanadaas geynin qalab tayo leh, mid kamid ah dadka deegaanka oo kusugun baydhabo ayaa sheegey in ismaqal la’aanta ay sabab utahay qalabka u yaala shirkada hormuud oo looga talagaley halkii mar in ay ku hadli karaan kiliya 10,000 oo qof halka magaalada baydhabo keliyana ay kunoolihiin dad kor u dhaafaya 100,000 qof sidaas darteed shirkada hormuud faa’iido keliya kasoo doonato oo aan wax dan ah kagalin ayadoo aanu jirin cid kadasha arintaan waxaana xusid mudan In shirkada hormuud local calls ( wicitaanka guduha) shirkada lacag ugu fadhinin keliya markii dibada lala hadlaayo shirkadu lacag  kaga baxado, waxaana nasiib daro ah shirkada intaas oo faa’iida dadka ka qaadata;-

In aysan kaqeyb qaadan shirkada horumarka deegaanada KGS,

Waxaa jiro shirkadaha waaweyn sharuuc ay ku dhaqmaan taas oo ah ( magdhow) ay ugu magdhobayaan dhibaatada shirkadas gaarsiisa wax loo yaqaano ( negative externality ) dadka deegaan ah sida matoorada waaweyn ee shirkada ku dhax shido xaafada ay xaruumaheeda ku yaalaan  iyo anteenooyinka dhaadheer  oo hawada kusii daaya gaas sun ah.

Majirto  cid  kula xisaabtanta dhibaatooyinka ay geysato maadaama maamul sax ah aanu kajirn koonfur galbeed halka wasaarada boostada iyo isgaarsiintana shirkadu aanu la macaamilinba

Waxaa kaloo lagu eedeynayaa shirkada in ay shaqooyin farabadan oo dadka taagta daran kushaqeysan jireen ay hada suuqa kasaartey shaqooyin kaas oo kamid ahaa   Suuqa malabka, oo shirkada hormuud darteed u xirmey iyo suuqyo kale oo aad u faraban sidoo kale darteed u xirmeen  kagadaal markii ay bilowdey shirkada in ay lawareegto badeecooyinkaas oo jumlo ah isla markaana suuq gaar ah ay usameysatey ilaa hada   lama sheegin school ama wado ay kudhistey deegaanadaasi.

Waxaana xusid mudan in maamul gobleydka puntland shirkada hormuud looyaqaano Golis ayadoo saamiyada Golisna 60% dadka deegaanka ay kuleeyhiin taas oo micneheedu yahay in faa’iidada shirkada goolis 60% ay qaadanayaan dadka deegaankaasi  40% shirkadu ledahay, halka koonfur galbeed shirkada kiliya  100% faaiidada qaadato waxna deegaanaka uqaban.

Waxaa kaloo lagu eedeynayaa shirkada hormuud

in  lacagaha ugu badan  ay ku taalkuleyso dadka nabad diidka ah ee kusugan deegaanada koonfur galbeed waxaana shirkadu  qeyb katahy caqabadaha kajira deegaanada koonfur galbeed.  Waxaana adkaaneysa in Koonfur Galbeed dib u xureen lagu sameyo bacdamaa ay shirkadu sidaan faaiido ugu jirto.

Majiro maamul xoogan oo ila gaar ah ku haayo laakiin shacabka ayaa hada shirkadan u arka mid Black Water aan waxba dhaamin keliyana dhiig miirasho u joogto Shacabka  Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Sikastaba ha ahaatee shirkada hormuud ayaa hadii aysan waxba kabedelin qaabka ugu shaqeyso lakulmi doontaa maacaamil la’aan reer koonfur galbeed waxeyna shirkada ku taagan tahay dakhliga kasoo xarooda Deegaanada koonfur galbeed  Ee Soomaaliya.

qore: mohamed qasim wadaninews24.com 

Leave a Reply