Imaaraadka iyo Gudoomiye. Jawaari oo  Heshiis ku Gaarey   Arin Halis ku ah Farmaajo iyo kheyre,

0

Imaaraadka iyo Gudoomiye. Jawaari oo  Heshiis ku Gaarey   Arin Halis ku ah Farmaajo iyo kheyre,

Warar Hoose aanu Ka helney Magaalada Abu Dabai ayaa sheegaya in wafdi hoose oo uu  soo wakiishey Guddoonmiyaha Baaramaanka Soomaaliya Mudane Jawaari , maalintii qamiista ay gaareen magaaladaasi wafdigan ayaa lasheegey in ay kaheleen warqad casuumaad ah isutaga imaaraadka carabta  oo beriyahan danbe aad udaneynaya siyaasada soomaaliya, wafdigan ayaa lageeyey magaalada shaariqa ayadoo habeenkii xaley ahaana lakulmeen masuuliyiin sare oo kasocodey imaarada waxaana lasheegayaa in hada rabaan in ay uwakiishaan meelmarinta mooshinkii fashilmey ee xabsiga looga taxaabey  siyaasi Abdiraxamaan C/shakuur warsame, imaaradu hada ay dooneyso in Guddoonka baarlamaanka loo wakiisho,  mr Jawaari oo siyaasada farmaajo  aad ula dhacsaneyn  ayaa heshiiskaan ogolaadey

Lacagaha xildhibaanada mooshinka saxiixaya ayaa jawaari lasheegayaa in qaab sharci u eg wadanka kusoo gelin doona, ayadoona lacagtaasi laga dhigi doono kuwo walalaha imaaraadka ugu deeqey baarlamaanka soomaaliyeed  si prof. Jawaari Xubnaha  baarlamaanka amarkiisa uqaataan una hol geliyo Gudiyada Baarlamaanka

Wararka ayaa sheegaya in wafdigan loosoo dhiibey liis ay ku qoran yihiin xildhibaano tiradooda aan la xaqiijin kuwaas oo horeyba u saxiixey  mooshinka hase ahaatee meel mariwaayey

Guddoomiyaha ayaa hada kumaqan fasax isagoona  iska qariyey madaxda dagaal hoosaadka kala dhexeeyo  si aan looga shakina wuxuu aadey dalkaasi KENEDA waxaana lasheegayaa in wafdigaasi ay ugu taba tagi doonaan dalka uu joogo

Qorshahan ayaa u eg kii ugu halista badnaa ee soo food saara dowlada farmaajo la arki done sida ay wax umaareeyaan

Leave a Reply