Maqaamka Muqdishu Reer Keliya Ma Sheegan Karaa

0

KU:   Aqalka Sare eeBaarlamaangka Fedraalka Soomaaliyeed

Ujeeddo: Wa maxay sbabta Dadka iyagu is lahaysiinaaya Muqdishu had iyo jeer ugu Hadaaqaan ereygha “Maqaamka Muqdisho”

Taariikh 11 Jannaayo 2018-01-11

Maqaamka Muqdishu waa ineey tahay aayna ahaato Caasimadda Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya oo qof kastoo Soomaaliyeed oo ku nool, ka shaweeysta canshuurna ka bixiya xaq ku leeyahay.

Dadka kudoodaya ineey iyagu leeyihiin Muqdishu haddii qof qof loo xisaabiyo Soomaalida kale aan sheeghanin laaking ku nool Muqdisho ayaa ka badan kuwa is lahaysiinaaya. Waxeey ku doodaan seddax milian baa ku nool Muqdisho, bal ma is weeyddiyeen seddaxdaas milian ma beesha is laheysiisay ee Hawiye kaliya miyaa?

Soomaalida kale si loo qaldo, hal xoghaye gobol, hal gudooniye degmo iyo laba ama seddax ka shaqeeya Dekedda Muqdisho ay ku dareen waxaan iyaga ahaayn oo ka shaqeeya Muqdisho. Beesha Muqdisho is lahaysiineeysa waxeey haysataa xaq in door ka badan waxeey xaq u lahayd. Waxeey haysataa xaqeeeda iyo xaqa beelaha kale ee aan u doodeeynin ineey leeyihin. Sharci ahaan beelaaha Soomaaliyeed aan ku doodeynin ineey leeyhiin xaq bay ku leeyihiin Muqdisho maadaama aay ku noolyihiin canshurna aay bixiyaan sida kua sheeganaaya aayna kaga badanyihiin.

Haddaba, haddii Beesha Hawiye aaneey ku qanacsaneeyn waxa aay ku haysato Muqdisho, waxaan soo jeedinayaa in Muqdisho laga dhigo Xaruun ganacsi lagana qaado ahaanshaha caasimadda Jamuhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed. Baarlamaanka Federaalka labadiisa aqal waa ineey soo jeediyaan degmo kale Soomaaliyeed loo wareejiyo caasimadda. Beelaha kale Soomaaliyeed wa ineey weydiistaan xaqa aay ku leeyihiin Caasimada Soomaaliyeedee Muqdisho

Qore: Abdi Ismail,

email: abey14@hotmail.com

 

Leave a Reply