Cambaareyn Ku Saabsan Barakicin Barakacayaasha KM13 -Afgoi

0

Southwest Salvation Council – Email: southwestsalvation@gmail.com, HQ, Baidoa, Somalia 

________________________________________________________________________

09  January  2018, Baidoa, Somalia

Ref: SWSSC/18/001

Cambaareyn Ku Saabsan Barakicin Barakacayaasha KM13 Jidka Afgooye – Mogadishu

Golaha Badbaadada KGS waxaa uu si weyn u cambaareynayaa isla markaasna ku tillaamayaa arin masuuliyad daro kana baxsan bani’aadanimada  in barakacayaal gaarayo ilaaa 5807 qof lagu qasbay in xoog loogu kiciyo 21 goobood oo xeryo barakacaal ay ku yaaleen wadada KM13 ee Afooye.

Barakacayaashaas oo isugu jiray caruur, haween uur leh, dad da’ ah iyo kuwo nafaqo daroo la il darnaa. Runtii arintaas waa arin liddi ku ah  xeerarka caalamiga ee heshiiskii xuquuda  shaqsiga ee dhaqaalaha, arimaha bulshada iyo dhaqanka (ICESR). Kaas ooo  Barakacayaasha looga barakiciyay goobihiii ay ku noolaayeen mudo dheer si qasab ah, iyadoo ay wanaagsaneed in lagala tashado dadka deegaanka  lana helo meelo kale oo la dejiyo inta aanan si khasab ah loogu kicinin barakacayaasha goobahaas.   Barakicintaas ayaa waxaa la sheegayaa in ay fuliyeen qaar ka mid tirsan ciidamada dowladda Federalka oo ay ku jiraan ciidanka booliiska.

Sida ay sheegtay hayadda xiriirinta gargaarka (OCHA), waxaa kaloo goobahaas ay degenaayeen barakacayaasha ee KM13-wadada Afgooye  lagu burburiyay  4 xarumo waxbarasho, hal goob weyn oo nafaqo bixin, 353 goobo ganacsi yar oo ay lahaayeen dadka barakacayaasah, 170 musqulo yar yar, 26 goob oo biyaha laga qaato, 9 dugsi quraan. Waxaa ayaan daro ah in hantidaas la burburiyay ay maalgeliyeen hay’adaha samafalka oo ku baxday lacago, aqoon iyo waqti aad u farabadan. Sida ay ay qortay dalladda hay’adaha samafalka ( Somali NGO Consortium)  barakicintaas khasabka ayaa waxaa ay dhacday intii u dhaxaysay 29-30 December 2017.

Barakacayaashaas  dhibka loo geystay ayaa waxa ay inta badan ka soo jeedaan Koonfurta Soomaaliya, kuwaas oo maamulada ka dhisan goobahaas  runtii la oran karo waxa ay si weyn uga gaabiyeen in ay difaacaan ama daryeel u fidiyaan dadkooda dhibaateysan, gaaar ahaan barakacayaasha.

Tan kale, Golaha Badbaadada KGS, waxaa uu u dirayaa baaq iyo codsi Dowladda Federalka Soomaaliya iyo Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya in dadkaas la barakiciyay lagu sameeyo tirakoob rasmi ah, loona gurmado sidii looo samatabixin lahaa isla markaasna loogu heli goobo la dejiyo barakacayaasha.

Golaha Badbaadad KGS waxaa kale uu talo ku bixinayaa in la helo barnaamijo  waqtiga dhow iyo midka fog oo barakacayaashaas dib loogu celinaayo goobihii ay ka soo barakaceen ama dib u dejin  rasmi ah Ivo shaqo abuur loogu sameeyo goobaha ku dhow agagaarka K13 ee wadada Afgoi. Waxaa kaloo muhiim ah in  loo sameeyo barakacayaasha mudada dheer degenaa KM13  barnaamij dib u degin iyo in Qaramada  midoobay (UN) iyo hay’adaha caalamiga ay gacan ka geystaan dhibaatadaan sidii barakayaasha dib u dejin rasmi ah loogu sameyn lahaa, si loo samatabixiyo caruurta, dumarka  iyo daka kale ee nugul oo ay saameysay masiibadaas.

Mohamed Abukar Isack

Xoghayaha Guud ee  Golaha Badbaadada Koonfur Galbeed Soomaaliya – Southwest Somalia Salvation Council (SWSSC)

Email: southwestsalvation@gmail.com,salvationcouncil@gmail.com

 

Leave a Reply