Aqalka Sare oo ansixiyay Miisaaniyada cusub ee 2018

0

Kulan ay maanta yeesheen Senatorada Aqalka Sare ayaa waxaa ay ku meel mariyeen Miisaaniyadda Dowladda ee 2018,taas oo ay hore u soo ansixiyeen xildhibaanada Golaha Shacabka.

Mudane Cabdi Xaashi C/llaahi Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ayaa Mudanayaasha siiyey Warbixin ku saabsan Miisaaniyadda Dowladda, waxaana uu sheegay in Madaxweynaha FJS Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo uu kala hadlay arrintan.

“Waxaan la-kulmay Madaxweyne Farmaajo waxaana uu iga codsaday in uu Miisaniyadda Saxiiixo,marka waxaan idiin soo gudbinayaa Codsiga Madaxweynaha, Dalku waxaa uu u baahan yahay in uu Miisaaniyad helo waxaana ka hadleynaa Danta guud ee Dalka mana jirto Miisaaniyad aan hada ka hadleyno”.

Intaas kadib waxaa Mudanayaasha Aqalka Sare Cod gacan taag ah u qaadeen in uu Madaxweynaha Dowlada uu Saxiixo Miisaaniyada waxaana ogolaatay 26, waxaa ka aamusay 3 wax diidayna majirin.

 

Leave a Reply