Xaalada Degmada Waajid Gobolka Bakool Ee KGS.

0

Degmada Waajid Ee Gobolka Bakool Waxey Ka Mid Tahay Meelaha Sida Aad Ka ah Usameyeen Kooxda Maleeshiyada al Shabaab Tan Iyo Markii Laga Saarey Degmadaasi Sanado Kahor.

Degmada Waajid Hada Waxaa Kusugan Ciidamo Ay Iskugu Jiraan Ciidamada Dowlada Faderaalka Soomaaliya’Ciidanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Iyo Ciidanka Itoobiya Oo Aan Ka Midka Aheen Ciidanka Midowga Africa Ee Amison Oo Dalka Soomaaliya Ay Ujogaan Nabad Ilaalin.

Dhamaan Waddooyinka Soo Gala Degmada Waajid Waxaa Gudoomiyey Kooxda Maleeshiyada Al Shabaab Oo Udiidey Iney Galaan Gawariga Ganacsiga Iyo Kuwa Kale Iyadoona Si Toos ah Ay Ugalaan Gawaarida Gaashaaman Ee Ciidamada.
Tirada Ciidamada Booliska Gaarka Ah Ee Koonfur Galbeed Waxey Garayaan Kudhawaad 400 Oo Askari Ah Iyo Ciidamada DF Oo Aan Badneen Meesha Ciidamada Itoobiya Lagu Qiyaasi Karo Kudhawaad In Ka Badan Afar Kun Oo Askari Howlgalkoodana Madhaafsana Wax Kabadan 10 KM Oo Meelaha kale Waxaa Kusugan kooxda Maleeshiyada Al Shabaab.

Ciidamada Koonfur Galbeed soomaaliya Si Gaar ah Ayey Meel Uden Yihiin Iyo Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya si Lamid ah Ciidamada kale Ee Itoobiya Iyagana Xiradooda Kama Soo Baxaan.

Saldhigyadii Kuyaleen Degmadaasi Tan Iyo Bur Burkii Dowladii Dhaxe Ee Jaalle Maxamed siyaad Barre Wax Dayactir ah Ma Aysan Helin Taasi Oo ay Ugu Dhiganto In Aysan Xiriir Ka Dhaxeynin Sarakiisha Ciidamada Kala Duwan Ee Kusugan Degmada Waajid.

Degmada Waajid Markii Laga hadlo Dhanka Arimaha Bulshada Dhamaantooda Waa Wax Bur Bursan Oo Iskuuladii’Xaruumihii Caafimaadka Iyo Meelihii Kale.

Xaruumaha Caafimaadka Madhameystiran Oo waayo Waxaa Ku Yaala Oo Kaliya Hada Xarun Lagu Magacaabo ARD, Oo qaabilsan Nafaqeynta Carruurta Iyo Hooyada Iyo Isbitaal Kale Oo Isagana Yaalin Daawo Kufilan Xitaa Ma’awoodo In Uu wax Ka Qabto Hooyada Dhalmada ah Oo Waxaa loo Soo Qadaa Degmada Baydhabo Oo Ay Isu Jiraan 90 KM Mararka Qaar Wadada Ayey Ku Dhintaan Looma Awoodo In Lasaaro Diyaarad Waayo Waxaa Laga Yabaa In Isbuuciba Ay Hal Mar Soo Gaarto Degmada Markaasina Waxey Keentaa Oo Kaliya Dad ama Daawooyin Ay Ukeento Hay’adaha Kusugan Halkaasi.

Dadka Ku Nool Degmada Waajid Waxey iskugu Jiraan Beeraley Iyo Xoola Dhaqato Ugu Badnaan Xoolahooda Waxey Ku wayeen Abaartii Dalka Ka Dhacey Dhanka Iyo Beeraha Kudhawaad Afar Sano Lama Abuurin Taasina Waxey dhalisay In Ay Lakulmaan Dhibaato Aad Uweyn.

Maamulka Degmada waajid Ilaa Iyo Hada Wax dhaqdhaqaaq Ah Ma Aysan Sameynin Tan Iyo Markii Ay Lawaregeen Gacan Kuheynta Degmada Waajid Oo Mararka Qaar Waxaa Isku Dhacaan Shacabka Iyo Maamulka Wax Qabad La’aan.

Abaartii Dalka Kadhacdey Meelaha Sida Aadka Ah Ay Usamesay Waxaa Ka Mid Ah Degmooyinka Koonfur Galbeed Soomaaliya Degma Ahaana Waa Degmada Waajid Iyadoo Heysan Nolal Ayaa Hadana Kusii Dheeratey Abaarta Ma’aysan Laheed Wadooyin Wax Lagu Gaarsiin karo Oo Wadooyinka Waxaa Gudoomiyey Kooxda maleeshiyada Al Shabaab.

Goor Dhow Ayaan Soo Bandhigi Donaa Xaalada guud Ee Degmada Waajid Ee Gobolka Bakool.

BY:Siidcali Muuse Maxamed Ateera

2,882 total views, 0 views today

Leave a Reply