Daawo Sawirada Diyaar Garoowii Ugu Debayey Xulka Qaranka Ciyaartoyda KGS,

0

Wasaarada dhalinyarada Iyo Cayaaraha Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa mudooyinkii udambeeyeyba waxay kuhawlaneyd,Sidii ay usoo saari lahayd sidoo kale na ay udiyaarin lahayd Xul Cayaaryahano Adag oo Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Umatalaya Cayaaraha Maamul Goboleedyada,

Wasaarada Dhalinyarada iyo cayaaraha Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Dadaalada ay bixineyso waxaa kamid ah, Inaaney dhicin wixii sanadkii hore dhacay,in wasaaradu ilaaliso xuquuqda cayaaryahanada koonfur galbeed soomaaliya, sidoo kale wasaarada dhalinyarada koonfur galbeed soomaaliya ayaa baydhabo iyo mugdisho ba kadiyaarisey macalimiin Sports Oo Qibrad dheeraad ah uleh kubada cagta Kuwaasi ilaa iyo hadaba gacanta kuhaayo Cayartoyda Xulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Hadaba Ayadoo la shaaciyey waqtiga rasmiga ah ee Cayaaraha Maamul Goboleedyadu ay furmayaan ayaa waxaa jirta ay in dhamaan maamul goboleedyada iyo xulka banaadir ba ay diyaar garoow adag ay kujiraan, basle waa Sidee Diyaar Garoowgii Udambeeyey ee ay kujiraan Xulka Koonfur Galbeed?

Xulka Cayaartoyda Koonfur Galbeed Soomaaliya Umatali doono Cayaaraha Maamul Goboleedyada Ee oo furmaya Bisha Soosocota Ayaa Bartimihii bishan Waxaa Tababar ugu bilowdey Magaalada Mogadisho, tababarkaasi oo ay uga diyaar garoobayaan Cayaaraha Ka dhacaya Magaalada Kismayo Bisha Soosocota.

Tiro kabadan 22 Cayaarahan oo lagasoo Xuley Gobolada Baay,Sh.Hoose Iyo Bakool Ayaa ah kuwo tababarkoodu aad usareeyo Waxaana Mudo 7 bilood ah ay kutababaranayeen Magaalada Baydhabo.

Xulka Cayaartoyda Koonfur Galbeed Soomaaliya Oo sanadkan Dadaal iyo juhdi dheeraad ah ay galisey wasaarada dhalinyarada iyo cayaaraha Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sanadkan waxaa isha lagu wada haayaa Cayaartoyda Cusub ee Sanadkan Xulka Kusoo biirey Kuwaasi oo Laga Sugayo Inay Kasoo Muuqdaan Tartanka Kubada Cagta Maamul Goboleedyada.

Xulkan Cayaartoyda KGS Oo Bartimihii bishan kasoo ambabaxay Magaalada Baydhabo ayaa Mogadisho waxay Ujoogaan Inay sii dhameystirtaan Diyaar garowgooda Kasoo bilowdey Baydhabo, Waxaan Xiligan Ay ku aalamiiteeyaan Garoonka Jaamacadaha Magaalada Mogadisho Oo ah Garoon Cawws ah, waxaana Ujeedka Ugu Horeeya ee Mogadisho loo Keeney ay ahayd sidii Cayaaryahanadu ay ula qabsan Lahaayeen Garoomada Cawska ah madama Sanadkii hore ay Ku fashilmeen Sanadkana Sidoo kale Cawska Lagu dheeli doono garoonka Waamo ee Kismayo.

Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Oo Ciyaarihii sanadkii hore ee Maamul Goboleedyada La Ogsoon yahay Inay keeneen Natiijo aad uliidata Ayaa Sanadkan Diyaar garowgooda wuxuu si aad ah ugu duwan yahay Waqtigii hore ayadoona Cyaaaryahan Waliba Booskiisu loo diyaariyey Labo ilaa Sedax Cayaaryahan si Qof waliba ugu dagaalamo booskiisa, iyo sidii ugu mid noqon lahaa shaxda xulka KGS Taasi oo ay qiimeyn doonaan macalimiinta tababarka bixinaya.

Tan iyo markii Cayaartoyda Ay imaadeen Caasimada Mogadisho ayaa waxay kujiraan tababar ayaga dhexdooda ay kuqaadanayaan garoomada Cawska ah ee magaalada Mogadisho, sidoo Kale sida qorshaha uu yahay ayaa waxaa lafilayaa in Maalmaha udambeeya ee diyaar garoowgooda Ay Cayaaro Saaxibtinimo ah Ay Lacayaaraan Kooxaxa Heerka Koowaad Ee Kubada Cagta Magaalada Mogadisho, Kulamadaasi oo ay isku tijaabin doonaan heerka ay gaarsiisan tahay awoodooda kubadeed iyo diyaar garowgooda,Waxaana sida Macalimiintu Ay sheegeen La qorsheeyey inay cayaaraan Sedax Ilaa Afar Kulan, Waxan Kooxaxa ay kulamo sxbtinimo laqaadan doonaan kamid ah, Kooxda Kubada Cagta F.C BANAADIR Vs Xulka Koonfur Galbeed Iyo Xulka Koonfur Galbeed Vs ELMAN F.C Kulamadaasi oo wali aan la shaacinin waqtigooda.

Dhinaca Kale dad badan oo Ree KGS Ah ayaa isweydiinaya su’asha ah Xulkii Hore Maxaa Laga Badaley?

Waxaa Qof Waliba oo kawarqaba Xaalada Sports ka deegaanada KGS Uu Ogsoon yahay in sanadkii hore tartanku laga qeyb galey diyaar garoow la aan Marka Laga reebo Cayaartoydii Baydabo Oo Garoonka KOONIS Ee Mogadisho lakeeney ayagoon Cawskii aan ubaran kufashilmey, SIdoo kale waxaa qof waliba uu ogsoon yahay in sanadkii hore Aysan jirin Hanaan Toos ah kudhisan Xirfada Kubada Cagta Inaan Lagusoo Xuley Cayaartoyda,Waxaana Qof Waliba uu Ogsoon yahay In sanadkii Hore Cayaartoyda Koonfur Galbeed Ay Garoonku isla galeen ayagoo xitaa Aqoon isu lahayn Inay Is Cayaar fahamaan Iskaba Daa, Sidoo Kale Ciyaarihii Hore waxaa Jirtey Macalin La’aan heysatey Cayaartoyda Taasi Oo Keentey Jabka Koowaad Ee Xulkii Koonfur Galbeed, Balse Hada Guuusha Rabi baa leh ee Dadaaalku Mayara, Intii aan soo sheegey Oo dhami ayaa si aad ah wax looga badaley, Waxaana Ugu Horeeya in cayaaryanada Sanadkan Matalaya ay isla nool yihiin ama garoon iskula jiraaan Mudo Bilooyin ah Ayagoo laga keeney gobolada KGS Laguna soo Xuley Xirfadooda Kubada Cagta.

Sidoo Kale Su’aalaha la is weydiinayo Waxaa kamid ah Aawey Xulkii Sanadkii hore Guul darada Keeney?

Lix Cayaaryahan ayaa hada kamid ah Xulka Koonfur Galbeeed Kuwaasi oo sidoo kale qeyb ka ahaa Xulkii Hore balse xiligan xaqiiqda ayaa ah inay soo qaataan diyaar garoow iyo tababar kaduwan kii sanadkii hore, Ugu dambeyntii Xulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Ayaa Si aad ah isha Loogu haayaa Diyaar garoowgooda iyo sidoo kale kaqeyb galkooda Cayaarah Maamul Goboleedyada, Xulka Xiligan Diyaar Garoobaya ayaana Halkudhigooda ah, Aynu Masaxno/tirtirno Taariikhdii mudiga ee na Raacdey Sanadkii Hore,Astaanteenu Waa Diyaargaroow Iyo Dadaal, Hamigeenuna Waa GUUL.

W/Q:- ABDINASIR_MUSHARRAF

1,657 total views, 0 views today

Leave a Reply