Toos Uga Daawo halkan: Kulanka Manchester City Vs Arsenal

0

Mid kamida Kulamada Ugu Xiisaha badan,ayaa Galabta laga Ciyaaridoonaa Tartanka english PremierLeague,waana Kooxaha Man City iyo Arsenal,Ciyaartaan ayaana kadhicidoonta Garoonka Etihad Stadium oo ay ku ciyaarayaan Kooxda Man City.

Arsenal aya qorsheyeysa in ay soo gebogabeeyso bilowga wanaagsan ee Man City horyaalka ay ka sameysay marka ay maanta marti ugu noqoto garoonkooda.

Man City ayaa guuldaro la kulmin 16 kulan dhammaan tartamada, waxeyna doonayaan in ay ku dhameystaan horyaalka iyagoon dhinacood dhulka la dhigin.

Arsenal ayaa ah kooxda kaliya ee horyaalka qaday guuldaro la’aan xilli ciyareedki 2003-04, sidoo kale Arsenal waa kooxdi u dambeysay ee garaacda kadib guuldaradii bishii April ee afar-dhammaadka koobka FA.

City ayaa guuleysatay 14 kulan ee lasoo dhafay taasoo ah Rikoodh heer kooxeed ah waxayna dhalisay 49 gool.

Wararka Labada Kooxood:

Manchester City ayaa kaliya hal guul gartay 9-ku kulan ee u dambeeyay dhamaan tartamada ee Arsenal wajahdo 4 barbaro iyo 4 guuldaro waxayna guushaasi heleen xilli ciyaareedki hore.

Guushii 2-0 ay Arsenal 2015 City ku garaacday garoonkeeda ayaa ah guusha kaliya ee kooxaha waa weyn garoonkooda uga soo adkaatay 7 barbaro iyo 9 guuldaro ayay la kulantay.

Manchester City ayaa noqotay kooxda Saddexad ee taariikhda Premier League kadib 10 kulan 28 dhibcood eelata waxaana kaga horeeyay Chelsea (2005-06) iyo Manchester City (2011-12).

City ayaa 20 gool dhalisay afartii kulan ee lasoo dhaafay ee Premier league ciyaartay. Wana goolasha 18 kamdi ah kooxaha 19-ka aah horyaalka ku wehliya ay dhaliyeen.

Pep Guardiola ayaa guul ka gaaray Wenger 4 kamdi ah 5 kulane u garoonkiisa ku soo dhaweeyo dhammaan tartamada hal baro ayaa u raaca.

Theo Walcott ayaa garoonka Etihat kaga gool dhalis badan ciyaartoyda kale ee Arsenal waxuuna dhaliyay 3 gool.

Tartanka: English Premier League

Labada Kooxood: Man City Vs Arsenal

Garoonka: Etihad Stadium

Saacada: 5:15 Galabnimo

1,230 total views, 0 views today