Video:-Banaanbax Looga Soo Horjeedo Al-Shabaab Oo Maanta Ka Dhacey Magaalada Baydhabo

0

Boqolaal Dibad baxayaal ah oo u baroor diiqayay Dadkii ku geeriyooday Qaraxii 14kii Octobar ka dhaxay KM4 ee Magaalada Muqdisho.

waxaa dibada baxaan hogaaminiyay maamulka Gobolka ,Degmada iyo wasiirka Amniga K.G.S iyadoo banaan baxaysaahan ay socodkooda ka soo bilaabeen Garoonka kubadda Cagta Dr. Ayuub ee Magaalada Baydhabo waxayna ugu danbaytii isugu tageen Fagaaraha hotel Eeden.

waxaa kula hadlay banaanbaxayaashan goobtaas Gudoomiyayaasha DDegmada iyo Gobolka Cali Wardheere Dooyoow Cabdiraxmaan iyo Cabdulaahi Cali Watiin.

Xildhibanka Qaran ee Federaalka Maxamed Xuseen Afaraale iyo Wasiirka amniga Xasan Maxamed Xuseen Xasan Eelaay.
waxay dhammaan Mas’uuliyiintaas ku dhiirigaliyeen in ay si dhow ula shaqeeyaan Laamaha Amniga Dowlada Goboleedka iyo Maamulka Koofur Galbeed.
waxaa uu ahaa banaanbixii ugu horeeyay oo noociisa ah oo ka dhaca Magaalada Baydhabo islamarkaana looga soo hoejeedo Qarixii Dadka badan ay dhinteen kuwa kale oo tiro badan ay ku dhaawacmeen oo ka dhaca baydhabo tan iyo markii sabtidii uu qaraxaasi ka dhacay Magaalada Baydhabo.

HALKA HOOS KA DAAWO MUQAALKA 

Wariye Muktaar Sheekh Aadan Dalmar Wakiilak websitka Wadaninews24.

137 total views, 0 views today