Video:-Gudoomiyaha Baarlamaanka KGS Tacsi U Duray Dadkii Eeheladooda Ay Ku Geefriyooday Qaraxii

0

Gudoomiyaha Baarlamaanka koofur galbeed soomaaliya iyo qaar ka tirsan Golaha wasiirada Iyo Baarlamaanka ayaa tacsi u duray dadkii eeheladooda ay ku geefriyooday qaraxii Ba;anaa ee ka dhacay KM4 ee Magaalada Muqdisho.

Cabduqaadir Shariif Sheekhunaa Maye ayaa ku tilmaamay Qaraxaasi kii ugu xumaa e ka dhacay xamar tan iyo Markii falalkan Guracan ay ka bilaawdaan gayiga Soomaaliya waxaan uu gudoomiyaha Alle uga Baryay umaddaas in illaheey ka siiyo Samir iyo Qooyskoodiina illaheey gadaashood habaabinin. Waxaa kaloo uu Gudoomiyaha Eebe uga baryay kuwa qaba dhawaacyada in uu u booga dhayo ee uu siiyo fayoobi iyo Baxnaansho degdeg ah.

Wasiiro Dowle Cabduqaadir Baraf iyo Xildhibaan Xasan Macalin Black ayaa iyaguna waxay ka mid ahaayeen mas’uuliyiintii Shalay ka hadashay isla markaana Shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadaysay Qaraxii Xooganaa ee Shcabka badan ku dhamaday ee ka dhacay Xamar Gaar ahaan Isgooyska Zope ee KM4.

Waxay mas’uuliyiintan iyagoo ka tiiraanyaysan falkan argagaxa leh eel ala eegtay Shacabka aan waxba galabsan ee iyagoo ku guda jira hool maalmeedkooda lagu haligay qaraxa laga soo buuxiyay gaariga Xamuulka ha.

Waxay carbka ku adkeeyeen in laamaha Amniga qaranka lala xisaabtamo oo dusha loo saaro Mas’uuliyadda Qaraxa taasoo ay sheegeen in aysan noqon Karin wax la’iska indha tiro karo.

Qaraxii ka dhacay Magaalada Mudisho Sabtidii waxaa uu ahaa qarixii ugu xumaa ee halmar oo kaliya ay ku dhintaan Dad ka badan 280 qof  iyadoo Dhaawacana uu cagacagaynayo inka badan 500 oo qaarkood ay Dowladda Turkiga  u qaaday Dalka Dibadiisa kadib markii Dalka Gudihiisa wax looga qaban waayay.

 

67 total views, 0 views today