video:-waxaa maanta isbitaalka Magaalada Baydhabo ka dhacday Xaflad lagu furayay Bangiga Dhiiga

0

waxaa maanta isbitaalka Magaalada Baydhabo ka dhacday Xaflad lagu furayay Bangiga Dhiiga ee lagu kaydin doono noocyada kala duwan ee Dhiiga.

Xildhibaano,wasiir iyo odayaal dhaqameedyo ayaa ka qayb galay Xafladaas iyagoo ugu deeqay Isbitaalka Dhiig kaasoo ay ugu talo galeen in lagu badbaadiyo bukaanada la keeno Isbitaalka ee u baahan si dhaqsi ah in dhiig loogu shubo si loo badbaadiyo.

agaasimaha Isbitaalka Cabdifataax Ibraahim Xaashi Gaaboow oo xafladaas ka hadlay ayaa sheegay in uu Isbitaalak Muddo iyo waqti dheer ku haminayay in uu yeesho Bangi Dhiiga Lagu kaydiyo si loo isticmaalo waqtiyada emerjansiga ah ee uu Bukaanka dhiig baxay ee uu ku soo dhacay Shilka ama hooyada Dhalmada ku dhiig Baxday ee nafteeda halista ku jirto ee u baahan dhiig ku shubidda.

wasiir ku xigeenka Caafimaadka M.K.G.S Mudane Cismaan Daa’uud ayaa sheegay mar uu ka hadlayay Munaasabada in isaga uu ahaa ka hor xilka wasiirnimada Sheeybaariiste isla markaana uu waayo aragnimo u leeyahay Baahida Bukaanada ay u qabaan Dhiig diyaarsan goorta ay jirto dhiigbax.

sidaa darteed ay muhiim tahay in isbitaalak uu yeesho Bangi dhiig oo kayd ah kaasoo la isticmaali karo xili kasta oo ay timaado Bukaan dhiig ku shubid u baahan.

waxaa ay noqonaysaa furitaanka Bangiga Dhiiga Isbitaalak Baydhabo mid timid xili ay bukaano badan soo gaarayaan Isbitaalka Maalin kasta oo ku soo waxyeeloobaya Shilalka Baabuurta rasaata iyo Tabardari keento in uu qofka bukaanka ah uu hoos u dhaco HB’sa taasoo keeni karat in uu baahdo dhiig ku shubid.

/Wareye  Mukhtar Sheik Aadan Dalmar Wakiilak

websitka Wadaninews24.com Baydhabo.

58 total views, 0 views today