Shariif Xasan oo kacdoon cusub uga furmay Muqdisho, iyo qaladadka uu galay

0

Laga soo bilaabo tan iyo doorashadii saacadaha kooban aheyd ee ka dhacday garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud ee magaalada Baydhabo taasoo loogu doortay Mudane Shariif Xasan Sh.Aden madaxweynaha maamulka Koonfur galbeed, tan iyo waqtigaasi illaa maantada la joogo waxay shacabka koonfur galbeed is weydiinayaan waxa uu soo kordhiyey maamulka uu hormuudka ka yahay mudane Shariif Xasan.

Sida muuqata ee uu ka markhaati kacaayo qof kasta oo reer Koonfur galbeed ah waxay tahay in Madaxweyne Shariif Xasan uusan kusoo kordhin wax la taaban karo dadka iyo degaanka uu madaxweynaha u yahay balse maamulkiisa iyo madatooyadiisuba uusan soo dhaafin garoonkii diyaaraha ee lagu caleema saaray.

Caleemo saarkii Shariifka oo ay kasoo wareegtay muddo kabadan 3 sano oo lagu qaban karay shaqo aad u badan oo dhanka maamulka, maareynta iyo mashaaricdaba leh ayaa ku bilaawday kuna dhamaaday oo kaliya maamul magac u yaal ah oo ku jira boorsada Shariif xasan hadii yihiin wasiiro amase baarlamaanba iyadoo aysan jirin wax la qabtay oo muuqda.

Hadaba maxay ka sugayeen shacabka koonfur galbeed madaxda iyo maamulka ay doorteen ?

Dhisidda iyo Baahinta maamulka si caddaalad ah .
Fulinta mashaariic horumarineed xagga tacliinta , caafimaadka,beeraha iyo xoolahaba.
Dhisidda ciidamada iyo sugidda amniga.
magacaabista maxadweyne  kuxigeenka Maamulka
isu furida wadooyinka ay gooyeen nabad-diidka .
Gurmadka iyo gargaarka abaaraha
Maxaa sababay fashilka maamulka?

Iyadoo ay jiraan sababo badan oo halkaan aanan kusoo koobi karin hadana waxaan oran karnaaa Sababta ugu weyn ee fadhiid ka dhigay maamulka koofur galbeed ayaa waxaa koow ka ah hab-dhaqanka madaxweynaha maamulka mudane Shariif Xasan oo isku darsaday caddaalad daro, maamul xumo iyo isagoo boorsadiisa aysan marna buuxsamin oo u arka wax walba inuu isaga iska leeyahay.!

Aaway doorkii odeyaasha dhaqanka iyo baarlamaanka maamulka?

Sida la ogyahay maamul-goboleedyada kale ee ka dhisan Soomaaliya waxaa la xisaabtama ama saxa khaladaadka madaxda waa odey dhaqameedka iyo xildhibaanada maamul goboleedka, hase yeeshee Koonfur galbeed soomaaliya madaxweyne Shariif Xasan wuxuu xeelad iyo xoolaba isugu geeyay siduu u aamusin lahaa cid walba oo mucaarid ku ah amase dhaliil u haysa maamulkiisa.

Geba gebadii iyo gunaanadkii hadafka qoraalkaani ma aha mid wax lagu duminaayo amase mucaarid bilaa macne ah iyo naceyb aan u qabno madaxweyne Shariif Xasan balse waa mid aan ula jeedno sixitaan iyo baraarujin dadweyne .

Qore: Axmed Aden Maxamed.

F.G: Faalladaani waxay ka tarjumeysaa fikradda qoraaga ku saxiixan, Wadaninews24.com masuul kama aha Ra,yiga qoraaga & fikirkiisa toona