Sirdoonka Mareykanka Iyo Kacaankii October ee 1969-kii Xukunka Soomaaliya La Wareegay!

0

La taliyihii hore ammaanka Aqalka Cad ee Mareykanka Henry Kissinger ayaa waraaq uu u qoray Madaxweynihii Mareykanka Richard Nixon Bishii October 21-kedii Sannadkii 1969-kii waxuu kaga hadlay xaaladihii ugu dambeeyey ee arimaha siyaasada Soomaaliya. Waa saacado ka hor intii uusan ciidanka af gembiga ku qabsan Soomaaliya.

Warqadda uu Kissinger qoray oo cinwaankeedu yahay “Xog Madaxweyne : Waxyaabaha Ka Dhalan Kara Qaarijinta/Dilka Madaxweynaha Soomaaliya” oo uu ula jeeday Madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharmaarke (AUN) waxay muujinaysaa in ciidanka dawladii Kacaanka ay ahaayeen rag aan marna sir ka bixin. Kissinger, oo markii dambe noqday xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka wuxuu qoray sidan:

“Xog kama heyno dilka madaxweyne Sharmaarke laakiin waxaa jira:
– Qabaa’ilo Soomaali ah oo diidan qaabka ay dowladdii Madaxweyne Cabdirashiid iyo Ra’iisal wasaare Cigaal ula heshiinayaan Itoobiya, sidoo kale waxaa jira beelo ka carooday doorashadii Bishii Maarso ka dhacday Soomaaliya, laakiin ninka madaxweynaha dilay waa sarkaal boolis ah oo iskiisa isu abaabulay.

– Ma fileyno in Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ee diidan xasiloonida lala gaarayo Itoobiya ay af gembi ku kacaan. Dagaalka la filan karo keliya waa mid qabiil haddii ay soo baxdo in Madaxweyne Sharmarke loo dilay arrimo qabiil, ee aan loo dilin arrimo siyaasadeed.

-Baarlamaanka wuxuu dooran doonnaa Madaxweyne muddo 30 maalmood gudahood ah, dhammaan musharixiinta safka hore waa dad taageersan Reer Galbeedka, marka waxay sii wadi doonnaan xiriirka naga la dhaxeeya, sidoo kale waxay heshiis Itoobiya kala gaari doonnaan muranka xudduuda.

“Ra’iisul Wasaare Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, oo aad toddobaadkii la soo dhaafay la kulantay, wuxuu haatan ka sii duulayaa Gobolka California, isagoo ku noqonaya dalkiisa hooyo ee Soomaaliya, taas oo abuuraysa xaalad xasilooni guud”

Hadaba warqaddaan waxay caddeynaysaa in saraakiishii Kacaanka hogaaminayey ee la wareegay xukunka Soomaaliya Sannadkii 1969-kii in aan wax sir ah ka fakan ama aan laga helin. Saacado kadib ayay dalka qabsadeen, Ra’iisal wasaarihii waqtigaasna Cigaal markuu Mareykanka kasoo noqday ee uu yimid Magaalada Muqdisho waa la xiray.

Xigasho: Xasan Aadan Hosow.