DEG DEG:Dhageyso:- Dagaal culus oo ka Qarxay Deegaano dhowr ah oo ka tirsan Shabellaha Hoose

0

Warar goor dhow ku soo dhacay Warqabadka Wadaninews24  ayaa waxaa uu sheegaya in Dagaal culus uu ka socdo Deegaano iyo dhegmooyin dhowr ah oo ka tirsan Gobolka Shabellaha Hoose.

Dagaalka ayaa waxaa uu si toos ah uga socdaa Deegaanada Bariire,Sabiid,Malable iyo Deegaanka Daaru-salaam halkaas oo ay gacanta ku hayaan Kooxda Al-Shabaab.

Ciidamada Nabadsugida Dowlada Booliska gaarka ee Koonfur galbeed iyo Ciidamada AMISOM ayaa goobahaasi weeraray iyadoona dagaalka uu yahay Mid aad u xoogan.

waxaa la xaqiijiyay in Deegaanka Bariire oo Al-Shabaab ay ku xooganaayeen Laga saaray oo hada gacan ku heynteeda ay la wareegeen Ciidamada Huwanta ah.

iyadoo deegaanada kale weli ay ku mintidayaan Dagaalamayaasha Al-Shabaaab waxaana jira khasaaro ka dhashay dagaalka weli ka socda Deeganada Gobolka Shabellaha Hoose.

WIXII SOO KORDHA WARKAN HALKAN KALA SOCO INSHA ALLAH