XOOLO-DHAQATADA BAKOOL OO XARAASHAYA XOOLAHA U HARAY SI AY CUNTO U IIBSADAAN

0

Maxamuud Cabdi Xuseen oo ah 70 jir ku sugan duleedka degmada Xudur ee gobolka Bakool ayaa toddobaadkan billaabay inuu suuqa u iib-geeyo tiro yar oo ari ah oo xoolihiisa uga haray, kuwaas oo lacag aad u yar oo laga siisto uu cunto ugu iibiyo toddobadiisa carruurta ah iyo hooyadood. Keligiis ma aha ee sidoo kale xoolo-dhaqatada deegaanka oo daaq-la’aanta iyo biyo-yarida ka dhashay abaarta ay xoolahooda ku caatoobeen ayaa maalin kasta seyladda keenaya xoolahooda, iyagoo aaminsan inay u wanaagsan tahay intii ay harraadka iyo gaajada u dhiman lahaayeen inay lacag yar ku beddeshaan.

“Labo maalin oo isku xigta waxaan suuqa geeyay shan ari ah, midkiiba $5 ayaan siistay,” ayuu yiri Maxamuud. Bilo ka hor neefka ariga ah waxaa lagu iibsan jiray $50. Wuxuu sheegay inay abaartu aad u daciifisay xoolaha u haray oo tiradooda ay gaarayso 25 ari ah iyo afar geel ah. “Daaq iyo biyo uma heli karo, waxaan ku qasbanahay inaan is-dhaafiyo si lacagtaas yar aan ugu noolaanno,” ayuu yiri.

Sida uu sheegayo weriyaha aragnews.com ee magaalada Baydhabo saddexdii toddobaad ee ugu dambeysay waxaa Xudur ku soo badanaya reer miyiga ay abaarta saameysay ee raashinka u soo doonanaya magaalada. Arrintaas waxay sababtay sare u kac ku yimid qiimaha raashinka laga heli karo suuqyada oo markii horeba yaraa, maaddaama muddo ka badan labo sano ay ku jirto go’doon ka dhashay colaad.

Kiilada bariiska iyo sokorta ah oo ahaa 22,000 oo shilin Soomaali ah (1$) ayaa maraya 35,000 oo shilin oo u dhiganta $1.5, halka saddexda litir ee saliidda ah oo la iibin jiray 115,000 oo shilin ($5) uu gaaray 130,000 oo shilin ($5.6).

Qofna xoolahaas caatada ah uma iibsado dhaqaal ama dhoof, waxaa xoolo-dhaqatada xaraasheysa ka gata kawaanleyda iyo dadka maqaayadaha leh oo qasha, kaddibna hilibkooda ka sii ganacsada.

Maxamuud oo ka soo barakacay deegaanka Haluul oo hoostaga degmada Ceel-barde, toban maalmood oo keliya ayuu joogaa deegaanka Teed ee duleedka Xudur oo labo toddobaad ka hor uu ka da’ay roob aan badneyn. Xoolo-dhaqato hayaan ah oo isugu tegay ayaana dhaqso u dhameystay biyo aan badneyn oo galay waraha. “Markii aan imaadayba meesha waxba ma oollin,” ayuu yiri Maxamuud. Toddobadii bilood ee la soo dhaafay oo ay sii darsatay xaaladda abaarta gobolka Bakool waxaa ka dhimatay 25 ari ah iyo 8 geel ah.

Wuxuu sheegay in abaarta ka hor uu dhowr bil qoyskiisa ku biili jiray lacagta laga siisto hal neef oo geel ah oo ahayd $980. Laakiin hadda wuxuu geela seyladda Xudur ka joogaa $180.

Guddoomiye ku-xigeenka maamulka degmada Xudur, Deeq Maxamed Iftiin ayaa aragnews.com u sheegay in xoolo-dhaqatada qaar ay seyladda maalmo ku soo noqnoqdaan iyagoo xoolahooda iib u la’. Wuxuu intaa ku daray in qoysaska agagaarka Xudur soo degay ay yihiin kuwii ay xoolahooda dhaqaaqi kareen, balse ay jiraan kuwo ka soo dhaqaaqi waayay deegaannadooda.

Inta u dhaxeysa Xudur iyo tuulooyinka ay xoolo-dhaqatada hayaanka ah soo degeen waxaa ku badan xoolaha dhintay ee waddada looga tegay intii aysan soo gaarin seyladda, sida uu sheegayo Nuur Islaam Qorane oo ka mid ah xoolo-dhaqatada deegaanka. Wuxuu sheegay 50 neef oo ari ah oo uu kala soo hamaay dhanka Ceel-barde inuu keensaday Xudur, balse aan weli laga iibsan.