Koox Hubeysan oo Macalin dugsi ku dishay Magaalada Baledweyne

0

Magaalada Baledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, ayaa waxa lagu dilay Xalay  mid kamid ah macalimiinta waxka dhiga qaar kamid ah schoolada ku yaala dagmada Baledweyne

Xaafadda  xaawo taako  ee Magaalada Baledweyne ayuu ka dhacay dilkaan oo dhacay Xalay fiidkii, iyadoo Kooxihii hubaysnaa ee dilka geystay ay meesha ka baxsadeen.

Macalinkaan  la dilay ayaa lagu magacaabi jiray marxuum  maxamed cabdullahi Xaanshi welina ma cadda cida ka dambeysa dilka loo geystay Macalinkaasi.

Ciidamada Ammanka waxa ay sheegeen inay wadaan howlgalo lagu baadigoobayo cidii ka dambeysay dilkaasi.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Rag la bisan Dariiska Ciidamada Dowladda ay Dilka u geysteen Macalinka lagu Toogtay Magaalada Baledweyne.