Guddoomiyihii hore gobolka Hiiraan C/fatax Xasan Afrax oo gaaray Beledweyne (Sawiro)

0

Guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cabdi fitaax Xasan Afrax oo maanta dib ugu laabtay magaalada Beledweyne ayaa bilaabay dadaalo uu ku doonayo in lagu xaliyo khilaafka u dhexeeya dowlada iyo qaar ka mid ah oday dhaqameedyada gobolka Hiiraan.

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan Cabdifataax Xasan Afrax  ayaa waxa uu la kulmay Ugaas Xasan Ugaas Khaliif iyagoo ka wadahadlay xaalada siyaasada gobolka Hiiraan. Hase yeeshee majiro wax war ah oo ka soo baxay wadahadalada ay yeesheen.

C/fataax Xasan Afrax ayaa ay tahay markii ugu horeysay ee uu tago magaalada Beledweyne tan iyo markii laga qaaday xilka guddoomiyanimada gobolka Hiiraan.

Wararka ayaa sheegaya in ujeedada uu u tegey magaalada Beledweyne ay tahay sidii uu ugu qancin lahaa duubabka dhaqanka ee weli diidan shirka maamul u sameynta labada gobol Sh/dhexe iyo Hiiran inay oggolaadaan shirka waxana uu amaanay shirka dib u heshiisiinta ee qaar ka mid ah oday dhaqameedyada gobolka Hiiraan ugaga socdo magaalada Beledweyne.

Guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan ayaa sida ay sheegayaan wararku waxa uu yahay ergey gaar ah oo ka socda madaxweyne Xasan Sheekh kaasoo la filayo in uu xaliyo isfahamwaaga u dhexeeya Madaxweyne Xasan Sheekh iyo qaar ka mid ah duubabka dhaqanka gobolka Hiiraan.

C/fatax Afrax oo ah guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan ayaa beeniyay in uu doonayo in markale uu ka noqdo guddoomiye gobolka Hiiraan,hase yeeshee waxaa jira warar tilmaamaya in C/fatax Xasan laga yaabo in loo magacaabo safiir.

Qaar ka mid ah  siyaasiyiinta iyo xildhibaanada ka soo jeeda beelo dega gobolka Hiiraan iyo Oday dhaqameedyo ayaa ka soo horjeestey shirka maamul u sameynta labada gobol Sh/dhexe iyo Hiiraan waxayna ka fureen shir kale magaalada Beledweyne.

boqasho afrax (1)

boqasho afrax (2)

boqasho afrax (3) boqasho afrax (4)

boqasho afrax (5)

boqasho afrax (6)

boqasho afrax (8)

boqasho afrax (9)