DHAGEYSO: Farmaajo” Al-Shabaab waxay hor taagan yihiin Mustaqbalka Soomaaliya

0

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa ururka Al -Shabaab ku eedeeyay inay hor taagan yihiin Mustaqbalka Somaliya iyo in ay Soomaaliya gaarto nabad iyo baraare.

Farmaajo ayaa qiray maalgashi ballaaran oo dalka lagu sameeyo uu waxbadan ka badalayo dhaqaalaha iyo hormarka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Somaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa Shabaab ku eedeeyey in caqabad ku yihiin kobaca dhaqaalaha iyo nabada Soomaaliya.

Waxa uu tilmaamay Shabaab in ay u taagan yihiin inay laayaan shacabka Somaliyed kuwa dibada ka imaanaya iyo kuwa dalka ku sugan intaba, isaga oo sheegay hadii aanan Shabaab la iska qaban inuusan dalka horumar gaareyn.

Shacabka Soomaaliya ayuu ugu baaqay in ay kalsooni u muujiyaan dowladda hada jirta ,islamarkaana ay la shaqeeyaan ciidanka ammaanka.