Al-shabaab ayaa Lagu Dilay Dagaalkii Deegaanka Run-irgood+Dhageyso

0

Maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa ku hanjabay in ay dib ula wareegi doonaan deegaanka Run-irgood ee Gobolka Shabeelaha Dhexe oo shalay ay qabsadeen ciidamada xarakada al-shabaab.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Shabeelaha dhexe Daa’uud Xaaji Ciro, oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in jihooyin kala duwan ay ciidamada dowlada soomaliya ka joogaan deegaanka Run-irgood isla markaana ay saacadaha soo socda  gudaha u gali doonaan deegaanka.

Mudane Daa’uud Xaaji Ciro Afhayeenka Maamulka Gobolka Shabeelaha dhexe waxa uu tilmaamay in qasaaro  weyn la gaarsiiyay ciidamada Xarakada al-shabaab oo ajaanib badan dagaalka loogu dilay ayna soo qaadi waayeen weerar kale.