DHAGEYSO WAREYSI:- Barakacayaal lagu laayay Magaalada Gaalkacyo ,,

0

Wararka ka imaanaya Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa sheegaya in Koox Hubeysan ay Dad Barakacayaal ah ku dileen Magaaladaasi.

Qoysaska Barakacayaasha ah ee lagu dilay Magaalada Gaalkacyo ayaa ku noolaa Kaamka buula-bacley ee Magaalada Gaalkacyo.

Illaa hadda lama Oga Ujeedka Dilka oogu geystay Qoysaska Barakacayaasha ah ee ku nool Kaamka Buula-bacley.

Dadka halkaa lagu dilay ayaa la sheegay in Tiro ahaan ay gaarayaan ilaa 3 Ruux oo ay ku jirto Qof Haweeney ah.