DHAGEYSO: Gudoomiyaha baarlamaanka oo hambalyo u diray shaqaalaha Soomaaliyeed

0

Kowda May ee sannad kasta , waa maalin loo aqoonsaday inay noqoto maalinta shaqaalaha adduunka.

Gudoomiyaha baarlamaanka dowladda Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusman jawaari ayaa hambalyo u diray maalinta caalamiga ee shaqaalaha caalamka ee 1 May.

Gudoomiye ayaa Maxamed Sheekh Cusman Jawaari ayaa sheegay in ay tahay maalin weyn oo loo baahanyahay cid walba in ay qaado doorkeeda ku aadan maalinta shaqaalaha.

Sidoo kale gudoomiyaha baarlamaanka ayaa sheegay in shaqaalaha Soomaaliyeed ay muujiyeen doorkooda shaqaalanimo,ayna haboontahay in ay xuquuqdooda helaan.

Maanta ayaa lagu wadaa in 1 May laga xuso meelo badan oo caalamka ah.