AKHRIISO MAXAA KA TAQAANA TAARIIKHDA DIGILI YO MERIFLE,

0

Tariikhda DM
THE GREEN CITY OF SOMALIA

First Edition March 2013
Please send your comments and orders to:
Fadlan ku soo dir wixii faalo ama dalab buugaan la xariira:
Abdirisak Malaaq Deerow
Tell: +90576000100
abdirisakyakub@hotmail.com
Mowduucyada
• Waamaxay Raxween
• Digil iyo Mirifle meeqo ayay ukala baxaan
• Dhulka dagaan
• Maxay ku tiirsan yihiin
• Maxay ku hadlaan
• Goboleysi
• Meeqo urur ay samey satay
• Aqoonyahada, Malaaqyada iyo Siyaasiinta

Hordhac
Hadii wax yar aan ka sheego taariikhda lama iloowaanka ee DIGIL IYO MIRIFLE, Waa dad beeralay iyo xoolo dhaqato ah, isla markaana mabaa didooda ay ku saleesantahay Nabad
Kuna wanaagsan soo dhaweenta martidooda,afkooda laga nabad helo, ma ahan dad dulmi badan, waxay jacel yihiin nabad dhibkoodana yaryahay, Aaminsan kala danbeen, is ixtiraam, dul qaad badan, waana dad ka fog in ay geystaan Damac iyo Boob.
NOTE: Buugaan waxaa uga tala kalay in aynu ogaano wexey yihiin iyo meesha ay ka soo jeedaan qowmiyada D&M.

Teeda kale walaalaha
Waxaan ka raali galinaa hadii aad ku aragto akhristoow qalad waa dhinaca daabacaada ama qoraalka,magefena waa Alle, kutalagal aan u sameeyay waxaa sixi doona qalaladka aqoonyahanada, siyaasiinta iyo raga qoro buugaagta ee DM.
Dhulkooda Waxaa lagu magacaawaa dhulkii raaxada wenaa, beerta janada, dhulkii nabada, dhulkii barwaaqada. Intaas iyo in ka badan ayuu la’oran jirey manta hadey bur burto bariwaa sideeda, nolashii hore.

Qabiilada Digil iyo Mirifle
Raxween waa lawo wiil oo kala ah Digil iyo Mirifle oo dhaley hal odey ladhihijirey Maadey
Waxeyna yihiin Digil Maadey iyo Mirifle Madadey; waxeyna ukala baxaan sidaan;
Mirifle
Wuxuu dhaley 8 isku bah ah iyo giskubah ah.
Bahada Sideed{8}
Waxay kala yihiin ; Jiroon,Eelay,Garaawle,Leysaan,Haraaw, Hariin,maalin weene, iyo reer dumaal wuxuu dhaley 6 wiil oo kala ah; Disow,Emiid,Qomaal,Yalale,Waanjeel,Helidi iyo Ashraaf.
Bahdasagaal{9}
Gasaar gude,Gobaawe,
Jillibble, Geeledle, Hadamo, Luwaa,Hubeer,Yantaar iyo Eeyli.
Digil
Digil wuxuu ukala baxaa sidaan;
Geledi, Begedi, Dabar,
Jiido, Tunni
Garre
iyo reer daafeed oo kala ah; Irdho iyo jambaluul.

Dhulka ay dagaan Digil iyo Mirifle
Digil iyo Mirifle waa qoomiyada uga badan jamhuuriyada soomaaliya waxayna dagaaan gabolo badan oo kala ah;
Baay, Bokool, Shabeelada- hoose,
Jubada-dhaxe, jubada hoose, iyo Gedo.
Bay wuxu ka kooban yahay 5 degmo oo kala ah: baydhabo, buurhakabo, diinsoor, qansaxdheere iyo bardaale.
Bakool wuxuu isna ka koobanyahay 6degmo oo kalaha ah: – xudur, waajid, ceelbarde, rabdhure, tiyeglow, biyooley iyo buula jadiid.
Shabeelada hoose waxay ka kooban tahay7 degmo oo kala ah: marka, afkooy, aw-dhiigle baraawe, kuntiwaarey, qoryooley iyo sablaale.
Jubada dhexe waxay ka koobantahay 4 degmo oo kala ah bu, aale, dujuma, jilib iyo saakow.
Jubada hoose wuxuu ka kooban yahay 5 degmo oo kala ah kismaayo, afmadow, badhaadhe, xarar iyo jamaame.
Gedo wuxuu isna ka kooban yahay 6 degmo oo kala ah garbahaarey, baardheere, beledxaawo, doolow, ceelwaaq iyo luuq.
Waa gobolada inta badan ay awooda ay kulayihiin ama qaaliban ay dagaaan 100% wallow ay dagaan gobolo kale sida gobolka banaadir.Waa Dad degan inta u dhaxeesa labada Wabi,Tasoo macnaheeduyahay 6 gobol ay dagaan DM in uu yahay qani iyo bar waaqo inta udhexeysaWabi Shabeele iyo Wabi juba ay maraan goboladaas aynu horey u soo sheegney. Waxaa inta badan dadka tashwiish ku furey kuwa aan taariikhda Soomaaliya aan wax badan ka aqoon, amaba buugaagta kuqoran ayagoo isla markaa gef ka gala taariikhda aynu leenahay waxaa arkeysaa buugaag badan ku qoran dadka MAAY ku hadlo waa raxan isku tagay taasna waa nasiib daro anaga na heesato waxaa la rabay in aynu ka hadalno ama aan qorno buugaag cadeenaayo in walaalo nahay sida aan ku suu sheegay in 2 walaalo oo isku aabe ahaayeen marka meesha waxaa kabaxaayo in aan nahay dad isku tagay.Dadka isku tagey waxaa lagu aqoon sadaa, ayagoo ku hadlo luuqad kala duwan ay ku hadlaan.
Waxaa kaloo inotusaale noqon karo Afrika inteeda badan oo aan heesan hal luuqad oo ka dhaxeeso, aan ka aheyn tii gumeesigii uga tagay,Hada na u ah mida sharciga u ah
Taasna waxay inoo cadeynesaa in afka Maayga aan keenin gumeysi uunan Oran luuqadaan isku Af-fahma. Dadka u dhashay DigilMirifle ma aynan ahaan jirin dad tix geliya qabiilka, odeyaashii horena ma aynan kuwo baro caruurtooda abtirsiimadooda, aan ka haeyn Raxween oo kaliya, intaas wixii dhafsan cuniga yar waxaa loogu daraayay jilibka kayahay Oo Kaliya marka fiiriyay dhalanta waxaaa ii cadaadey in labo awoowe ay dhaafin Karin taasna waxay fursad u siisay ragii kale ay wateen qorshi ahaa in la cirib tiro magaca ama qoomiyada DM.
Qof kasta oo kamid ah Digil iyo Mirifle ahma uusan aqoonin adeer 3xaadkiisa sawabtana aheed mid loo carbin, sida kuwa Hawiyaha ugu barbaariyaan caruurtooda qabiil iyo xigto soke iyo mid koroba.
Dadka u dhashay Digil iyo Mirifle nooc waliba ah ahaadeen ma uusan garan jirin deriskooda wax uu Soomaaliya ka yahay halka kuwa kale ay kala yaqanaan wax waliba oo khuseeya qabaa’ilooda.
Qof waliba oo wax yaqaano waxaa laka rabaa in uu tuso habka uga fiican uu laku ogaan garo luuqada Maay. dadka qaar ayaa waxaa ay jecelyihiin in la ciribtiro luuqada Maaay taasna macquul maha marka ay hadlaan dadka ka imaadey Arlaadi waxay ku dhahaan kuma fahmin marka waxaa lagu ciribtiri karaa dhibaatooyinkaas in shaqsi waliba oo ku hadlo luuqadasiisa Maay.
Hadii yihiin dad isku isu tagay sida ay bugaagtooda ku qoraan maxaa qoomiyadadaan u yeeley hal Luuqad sida ay aamin sinyihiin ay tahay in ay ka kala yimaadeen Daarood Hawiye iyo Isaaq; sidexdaan mid kamid ah oo Af-maay ku hadlo maku jiraa dabcan jawaabto waa maya

Goboleysi
Digil iyo Mirifle ma aha dad u sameysan in ay u hanqal taagaan wax ayayn laheyn sida hanti guurto iyo ma-guurtoba hadey u sameysanaan la haayeen waxaa la arki lahaa ayagoo dad dul fadhiya sida qabbilada qaakood wali leh anaaga leh gobol hebel waa mid lala yaabo arintaas wali waxaa lawadaa in si nabad ah laku helo gobolada kamaqan, waxaa kaloo daliil ah ayagoo dhulgooda la heesto ku raadinayaan nabad.
Oo waliba beerahoodii loo bedelay kuwo laga soo saarowax yaalo aan anfici laheen aaqiro, ayagoo taok ayaa dhulkooda waxay ku raadinaayaan wada hadal, aydadoo jirto wixii xoog lagaga qabsadaa xoogun baa lagu raadiyaa.
Waxay inta badan jacelyihiin nabad iyo wada noolaasho taasoo cadeeneeso burburkii intii laku jirey waxaa laka nabad helay afkooda iyo carabkooda waa dad ahaul diineed dhamaantooda mana raadiyaan dhul ayaga aysan laheen waxay jicelyihiin dhulkooda in ay ku egaadaan halka kuwa kale ay raadiyaan dhul ayaga iska laheen.
Digil iyo Mirifle taas waa wax ay ilaahay ku maneestay in ay door bidaan nabadda. Ileen horaa loo yiri nabadaa naas la nuugee
Digil iyo MirifleWamid kamid ah afarta beelood ee waaween ee Somaaliya.
Maxay ku hadlaan DM
Somaaliya waxay leedahay labo luuqadood oo kala ah Maay iyo Maxaatiri.Digil iyo Mirifle waxay ku hadhashaa luuqada Looyaqaan, Maay.
Labada luuqadood way kala duwan yihiin habka dhawaaqa iyo ku hadalka laakiin marka fiiriso waa ay is fahmaayaan dadka somaaliya.
Digil iyo Mirifle waa dad xoolo dhaqato ,Beeraley iyo reer guuraa ah.dhulkeedana aad buu u bar waaqeesan yahay waxay soo saartaa dhamaan wax yaalaha dalka lagu cuno sida galleyda,messagada, digirta,qudaarta noocadeeda kala duwan iyo wax yaalaha la dhuufiyo sida mooska oo ay Somaaliya aad can ugatahay babaayga,qaraha,bombeelada iwm.
Digil iyo mirifle waa dad aamisan wax soosaarka dhulka iyo qayraadkiisa iyo dhaqida xoolaha waana dhul ilaahay ku maneestey barwaaqo.
Digil iyo Mirifle waxay caan ku yihiin xaafidka qur’aanka karimka barashadiisa dhamaan geyiga
Somaaliya iyo dadka derisna la ah sida Itoobiya Keenya maclimiinta qur’aanka ka dhigameel kasta oo Somaaliya ay ku nooshahay 95% waa Digil iyo Mirifle taasi oo ah hibo ilaahey ku khaas yeeley ayaga waa qoomiyada kaliya laka heli Karo Aabe, Hooyo,wiilashooda iyo gabadhooda subac qu’raan uwada fadhiya ayagoo xaafidhiin ah
Taasi na Waa dhaqankooda soo jireenka ah ee Rabi ku maneestey. Maashaalaaaaah.
Waana dad jaceel nabada kuwada noolashada meel waliba ay aduunka ay ka joogaan kaliya waa dadka 25 sano dagaalada sokeeyay ee socdeen laka nabad heley sidoo kale waa dad jaceel ku wada noolaashaha iyo Marti galinta walaalahooda kale ee beelaha dalka wax ka Dagan.
Waxaa kale aan idin soo kudbinaa qaar kamid ah dadkii u soo halkamey soona kaarsiiyay meesha aan joogno wax qabadkooda iyo taariikhdooda kooban haduu alle yiraado aqoon yahadii, siyaasiintii iyo malaaqayada ee DM.
A} Sheekh Muqtaar Xuseen wuxuu ku dhashay Tuulada Caasho Gaabo ee gobolka Bay, wuxuu sifiican ubartey Qur’aanka kariimka wuxuuna taasi ku muteystay in loo Aqoonsado ama la siiyo darajada Sheekh, wuxuu si aad ubartey culuuumta diinta Islaamka.Gudoomiyii uka horeyayee Barlamaanka Soomaaliya ayuu noqdey Sheekh Mukhtaar Xuseen; markii dhameestay wax barashadiisi dhinaca diinta u suurtagashay inuu ganacsade noqdo isla markaasna uu ka furtay magaalada Xudur ee gobolka Bakool sidii kale wuxuu Baqaar ka furtay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay intuusan siyasada ku soo biirin kahor.Wuxuu ku biiray markii la dhisey Somali Youth Club ee markii dabe isku badallay Somali Youth League ama ururkii dhalanyarada Soomaliyeed eek u began 1943dii ayuu ka mid noqday Sheekh Mukhtaar wuxuu madax kanoqday gobolada koofureed Soomaaliya ee la oranjiray Alta jubba.Sanadkii 1956dii waxaa loo doortay inuu xubin ka noqdo Baarlamaankii uga horreeyay ee ay yesheen dalka Soomaaliyaee la oranjiray Somaliya legislative Assembly isla markaana ay dalka maamulayeen maamulka dalka Talyaaniga ee lagu magacabi jirey United nations Trusteship of Italy.Dowlladii ra’iisul wasaare Abdulaahi Ciise Max’ud waxaa loo doortay in uu noqdo wasiir ku xigeenkii wasaarada cadaalada iyo arimaha diinta.Mar kale ayaa sanadkii 1959kii dib loogu doortay in uu kamid noqdo Golihii sharci dajinta ee dalka Soomaaliya inta ay xurnimada qaadan kahor markii xurnimmada la qaatay kadib wuxuu kamid noqday xubnihii golihii Baarlamaankii uga horeeyayee Jamhuuriyada Soomaaliya.Doorashooyinkii dalka ka dhcay sanadkii 1967dii waxaa loo doortay in uu noqdo Gudoomiyaha Golihii Baarlamaanka ee dalka Soamaaliya.15kii bishii Oktoobar sanadkii 1969kii kadib marki la dilay Madaxweenihii hore ee dalka Soomaaliya Dr Abdrishiid Cali Sharmaake waxaa uu muddo gaaban noqday Madaxweenihii KMG ah; 21kii bishii Oktoobar 1969kii waxaa lagu xugumay xabsi guri dhowr sanadood kadibna wuxuu dib u helay Madaxnimadiisa qofeed.Wixii intaas kadabeeyay wuxuu bilaaway in uu Tacbado Beer uu kulahaa Magaaalada Afgooye ee gobolka shabeelada hoose.
Wuxuu ku geerooday Magaalada Nairobi ee dalka Kenya da’ ahaan wuxuu Jirey 100sano
B} Malaaq Mukhtaar Mallaaq Xasan wuxuu ku dhashay kuna barbaarey tuulada layiraahdo Koorkoor ee gobolka Bakool sanadka markuu ahaa 1898kii yaraantiisa wuxuu ku biirey dugsi Qur’aan kuyaalay isla tuulada Koor koor, wuxuu kaloo aad u bartay kutubta islaamika ah iyo luuqada Carabiga.Malaaq Mukhtaar waxaa uu ka noqday dhalanyaradii uga horreesay eek a furtay gobolka koofor galbeed xibigii HDM.Alle ha u naxariisteewaxaa uu nasiib u yeeshay inuu kamid noqdo xildhibaanadii ugu horeesey ee uu yeesho Soomaaliya xornimadiisa kadib.Malaaq mukhtaar waxaa si aad loogu xasuusan kara in doorashadii madax weynanimadii Soomaaliya 1967-68 isku soo sharxay, waana qofkii ugu horeeyey ee DM ah oo isu soo sharxo jaagda madaxweynenimada Soomaaiya,dadka qaar ayay waxay u heestaan in qofkii ugu horeeyay ee DM ah madax weynnado ay aheed sanadkii 2012, laakiin aranta saas mahan.1969kii kacaankii kadib wuxuu ugacan banaanaadey howlihiiisa malaaqnimo, asigoo weliba ahaa macalin dugsi Qur’aan ah muddo 2sano ah waxaa kale sida aadka looku xasuusto waxaa ka mid ahaa codkarnimo ilaahay siiyey iyo maamaahyo oo si aftahnimo ah loo adeegsado, ma aheen oo kaliya nin maahmaahyada yaqaano kaliya bal wuuba sameen jirey.Sanadii 1988-1989 waxaa mar keliya ilaa 6 qabiil oo Mirifle ah u dhaxeeyay,waxaana aad loogu tuhmaayay in gacmo kale ay ku lug lahaayeen, waxaa abaabul xoogan sameeyay dhalanyaradii Mirifle oo isu keenay malaaqyada oo gudoomiye looga dhigay malaaq Mukhtaar Malaaq Xasan burburkii kadibna si rasmi ah loogu caleema saarey Malaaaqa Malaaqyada Digil iyo Mirifle.Alle ha u naxriistee Malaaq Mukhtaar wuxuu ahaa malaaq xushmo iyo qiimo weyn ku leh guud ahaan umada Soomaaliya gaar ahaan qoomiyada DM.Alle ha u naxariistee malaaqa da’diisa ay aheed114 sano wxuxuu ku geeriyooday magaalada Baydhabo janaay sanadku markuu ahaa 4 sep 2012.
C} Abdiqadir Maxamed Aadam [Zoobe]
Wuxuu ku dhahay degmada Buula Burde 1919kii waxaana dhalay wadaad caalim ahaa oo ku can baxay wanaaga iyo caadilnlmmada intii xaakimkka ka ahaa maxaakimiinta dalka taasoo ahayd sabatii loogu bixiyey macalimkii xaqa iyo cadaalada; ayadoo intaas u dheereed inuu kamid ahaa saraakiishii ugu darajada sareeyay Soomaaliya, kana soo wada shaqeeyay badi dalkeena goboladaasi kala duwan waqooyigiisa iyo koonfurtiisa Zoobe wuxuu ka dhashay reer wada Ahlu-diin ah oo iska soo dhaxleysay muddo qarniyo ah.
Cabdiqadir M. Aadan [Zoobe] wuxuu yaraantisii ku soo barbaaray koofurta Soomaaliya gaar ahaan Baydhabo iyo Moqdisho; wuxu wax barasho u aaday dalka Talyaaniga oo uu ka soo dhameystay waxbarashadiisa Dusiga Dhexe, kadibna wuxuu waxbarasho sare u aadaydalka Masar wuxuuna ka qaatay Qaahira shahaadada dugsiga sare 1954tii.
Abdiqadir Zoob, asagoo ku jira[Al-Azhar Al-shariif] ayaa waxaa ay u doorteen inuu hogaanka u qabtay HDM rag kamid ahaa iskuulka ay isla dhiganayeen ayay waxay ku tilmaameen ama ay ku sheegeen inuu ahaaa geesi wuxuu rabo aan la gabanayn runlow aan been iyo balan xumo laku sheegi Karin.
Markii aan dib u raacno sida Cabdiqadir Zoobe ugu ekaan badanaaa Sheekhii asiga dhalay aragti ahaan dabci ahaan iyo diin ahaan intaba waxaan shaki galeynin inay dhab tahay xigmada ay dhaheen Geed waliba mirihiisu dhalaa,
Zoobe wuxuu bartay asigoo yar Qur’aanka wuxuu cilmiga Axgaanta kabartay culamadii Soomaaliyeed Sheekh Abdiraxmaan Zeylici oo abdiqadir Zoobe qabiil ahaan isu xigeen sidaa darted waxaa lagu tilmaamaa inuu gargaar u ahaa culimada diinta ee Ahlu suna waljamaac.
Zoobe wuxuu gole kastoo caalamiyeed sida United nation ka iyo geed waliboo Soomaaliyeed sida Gudigii Afka dalka uga qayb qaatay sidii uu ugu Gagaari lahaa Qadiyadiisa Diineed iyo mida qowmiyadiisaCarabeedba, wuxuu Qaadli iyo naftiisaba u bixiyay sidii ay Soomaaliya uga badbaadin lahaa wallow uusan ku guuleysan arintaas maadaaba isticmaalku haystay cadow diin iyo carbeed oo ayaga lashaqeeya .
Waxaana tusaale inoogu filin canaantii uu Golaha AMAANKA ugu jeediyay Gumeestiyaashii wadanka Soomaliyeed oo idil asgoo difaacaayo danaha Carbeed iyo diintiisa Islaamka iyo Afkaartii ayada ayada ah waxaa ka bogan karaa qofkii akhrista buugaagtii taariiqdii hore ee Soomaliya .
Intii ka horeysay 1957 wuxuu hoygii siyaasada ku biiray asagoo aad u yar taasoo u suurta gelisay inuu noqday mid kamid ah shakhsiyaadkii fara ku tirsika ahaa ee aad ugu dhexmooqday halgankii xuriya doonkii Soomaaliyeed wuxuu xubin ka noqday 1940kii[Al-jamciya Al-wadaniya Al-Somaaliya], 1944 tiina wuxuu xubin ka noqday xisbigii SYL wuxuuna kabaxay xisbiga SYL,kadib markii asga iyo qaar kamid ah madaxdii xisbigaasi ay isku khilaafeen nidaamkii dalka lagu maamuli lahaaa asigoo uu Aaaminsanaa Zoobe in dalka loo sameeyo dastuur iyo nidhaaam Federal, ka hor intaan lagu qamaanin dowladaSoomaaliyeed dhismaheeda taasoo ay ka biya diiden madaxdii SYL sidaa awgeed Zoobe wuxuu ku wareegay xisbigii Digil iyo Mirifle ee HDM, wallow qaar kamid ah madaxdii SYL ay isku dayeen inay ku qanciyaan inuusan ka bixin xisbiga hadana lagama guuleeesan arintaas asigoo ku adkeystay Afkaartiisa Federalka ahaaed darteed.
Zoobe waxaa loo doortay inuu hogaamiyo HDM, kadib markii Leego ay ku dileen Ustaad Cusmaan Maxamed Huseenn oo ahaa madaxdii xisbiga iyo saanacii Federalka Soomaaliya bishii may 1952dii.
Zoobe oo watay isla afkaartii iyo mabaadi’dii Federalka ee loo dilay Ustaad Osmaan Uuna ahaa nin ay yaqaan reer Leego mabda adeegiisa waxaa loo sameeyay shirqoor aad loo soo diyaariyay oo si toos ahna uga qayb galeen madaxdii sare ee leegada oo la rabay in lagu khaarijiyo intuusan kazoo bixin Qahira, waxaa arantaasi fulinteeda u xilsaarna labo qo oo midii uu ahaa sarkaal u dhashay NFD oo Muqdisho laga soo diray iyo mid ka mid ah Arlaadi Zoobe iskula jireen Al-Azhar, wuxuuna qorshuhu ahaa in ladilo habeenka uu baxayo haday suurta gal noqon weysana in lala beegsado inta u dhaxeysa marka uu qol kiisa kabaxo iyo inta uusan Airport ka Qaahira, laakiin waxaa uu qorshihiisii fashilmay markii habeenkii ugu dameeyay ay latashi ugu tageen Sheekh abdiqani Ahmed oo kamid ahaa ardada Al- Azhar una sheegeen qorshahooda, Sheekh oo reer Bokool ahaa kana soo jeedo qoys culimaaa’udiin ah oo aad looga yaqaano Gobolada Alta Juba oo idil ayaa wuxuu ugu hanjabay in Booliska Masar usheegi doono hadii ay Zoobe wax ku gaaraan Masar taasoo ka badbaadiyay dilkii loo soo qorsheeyay.
Una suurta galisay inuu si nabad ah ugu baxo dalka Masar
Run ahaatii ma ahan wax badan in ka hadlo siyaasadii Zoobe, maadaaba ay horeeba uga hadleen rag badan ama laga qoray bugaag badan, kuwaasoo ay ku tilmaamen sifo wanaagsan Waxaa, uu jaclaa in Soomalidu ay nabad ku waarto qaas ahaan walaaaha DM.
Zoobe iyo siyaasadiiisa Federalka inay Soomaalidu akhristaanqoraalkiis nidaamka Federalka waa xalka keliya ee Soomaaliya ay ku nabd heleeso ; 1996 Ahmed Sheekh Biyooley oo asigasheekey in shaki uga jirin inuu yahay siyaasiga Mustaqbalka labaaad Guud ahaan Gobolka.
Si kastaba ha noqtee wuxuu ahaaa qof usoo jeeda in wadanka hormar u tilaabsado qaas ahaan gobolada DM.
Zoobe wuxuu Soomaaliya u meselay shirar badan oo Caalamiyeed- carbeed iyo walaaha afrikaaneed, intuu tagay wuxuu heshiisyo lataaban garo la soo gaaryay wax ku ool ah una tari karo dhamaan Geeykeena Soomaaliya.
Zoobe wuxuu soo qabtay Xillal, kala duwan inta uu ku soo jirey siyaasada Soomaaliya.
1940: Xubin maamulka Al-jamaaciyal A-lwadhaniya Al-soomaliya.
1944: Xubin maaulka SYL.
1956: Xubin Gudiga Shrci dejinta Soomaalieed.
1957: Xoghayaha xisbiga dastuur Mustaqil Soomaaliya HDMS.
1959: Ku xigeenka Gudiga wada xaajoodka mideynta Soomaaliyeed.
19960: Xoghayn Gudiga wada xaajoodka mideynta Soomaaliya.
1960-1991: Wasiirka wasaarada Maaliyada Soomaaliya.
1964: Wasiirka Wasaarada Maaliyada Soomaaliyeed.
Zoobe Alle ha u naxaristee, wuxuu ka qeeb qaatay shrrir badan uu u matalaayay Soomaaliya oo kala ah sidaan;
1954: United nation UTC New York.
1955: United nation HDM New York.
1961: Shirkii Gudiga dhaqaalaha United- ka Addis Abba.
1961: Heshiiskii iskaashiga Soomaaliya iyo EEC.
1991: Shirkii is kaashiga Soomaalida ee Roma.
1963: Shirkii AMS ee Washiton USA.
Wuxuu Safar Howleed ku kala Baxay, In kabadan inta kor aan ku soo sheegay Wuxuu dallal badan ka noqday Diplomaasiya.
Siyaasada marka loo eego wuxuu ka kala, page aad loo taaban garo, sanadka marku ahaaa 1988-dii wuxuu qabtay hogaankii hore Mucaaradkii Siyaasada. Sidoo kale wuxuu uga qaybgaklay SDM ahaan iyo Oday Soomaali ahaan intaba dhamaan shirikii dib-uhheshiinta Soomaaliyeed eek a dhacay Gudaha iyo Dibaaba,
Zoobe si tos ah ayuu shaashadaha aduunka uku soo mooqday asigoo daneenaayo umada Soomaaliyeed inay Nabad ku waarto; mid kamid ah shirirkii sida badan sabatooda asiga lahaa uuna sida adeg uga dhex mooqdey;
1991: Shirkii Jabuuti oo asiga loogu doortey Madaxweene ku xigeen.
1993:Shirkii dib-uheshiinta Soomaliya ee Itoobiya.
1996: Shirkii Dib- uheshiinta Soomaaliya Masar.
200: Shirkii Dib-uheshiinta Soomaaliya Carta.
Iyo in kabadan ayuu ka qeeb kalay kuwaasoo laku dhisaayo danta guud ee Soomaaliya wuxuu ahaaqof jacel Cadaalada.
Abdiqaadir Zoobe Alle ha u naxariistee wuxuu ku dhintay Magaalada Roma, taariikhda Markay aheed Juun 24 2012.

D} Abdalla Deerow wuxuu dhashay sanadka markuu ahaa 1950, wuxuuNa ku dhashay Tuulada Ceelgaras ee gobolka Bakool.
WuxuuNa waxbarashadiisa duggsiga Qur’aanka ku bilaaway isla Tuullada Ceelgaras. Waxaa wax barashadiisa assaasiga wuxuu ku soo qaatay magalooyinka Xudur iyo Baydhabo.
Markii wax barashadiisa dhamaystay ayuu wuxuuka Noqday Macalin primaray teacaher, wuxuu markii danbe uu ku guulaystay imtixaankii loo geli jiray Kulliyadii Tababarka Macalimiinta ee Lafoole [Lafole Cooleg of Education], ayuu waxbarasho ka bilaaway wuxuuna ku takhasusay Engilsh major iyo history minor.
Markii uu ka qalan jibiyay Lafoole bishii December 1979, ayaa loo diray degmada Xudur wuxuuna ka noqday Maamulaha Dugsiga sare ee Xudur intii u dhaxaysay 1981-1990.
Kadib markii la riday Xukuumadii uu Madax ka ahaaa Maxamed Siyaad Bare wuxu Abdalle Deerow ku biiray SDM oo loo soo gaabiyo Somalia Democratic Movement.
Wuxuu ka qaatay door lama ilawaan ah ka qaatay gargaarada dalkaii ay ku habsadeen masiibadoyinkii uu bani’aadamku abuuray ee sababayin ay u
Geeeroodaan macluul daqiiqad waliba boqolaal kamid ah dadkii ku dhaqanaa gobolada ay dagaan Dm ayuu ka hool kalaayay Abdalle deerow xarumaha quudinta magaalada Baydhabo, asigoo la shaqeenayay ururka samafalka ee SCS Catholic Relief Services.
Wuxuu ka mid ahaa ragii fara ku tiriska ahaa ee joogay Baydhabo 1995 markii Caydiid uu xoog ku qabsaday magaalada Baydhabo uuna afkabiyay maamulkii uga horeeyay ee ay sameesatay Qoomiyada DM.
Wuxuu Abdalle Deerow ka mid noqday ragii abaabulay kacdoonka lagaga horyimid Caydiid, wuxuu kamid ahaa aas’aasiyaashii uruka RRA, oo dhidibada loo taagay sanad ku marku ahaa Oct 13 1995.
Wuxu noqday Xoghayihii Guud ee RRA,15 maay 2000. Wuxuu hogaaminaayay ergadii ee uu Maamulkii RRA u dirsaday shirkii Carta ee Jabuuti.
Wuxuu ka noqday shir gudoomiyihii ergaydii ka soo qaybkashay shirka oo Soomaalida laku heshiinaayay sanadka markuu ahaa 20- 8 -2000.
Doorasho kadib wuxuu ku kuuleestay Gadoomiyaha Golaha Shacabka ee KMG wana 10-9-2000, ayaa wafdi uu hogaaminaayay ka duuleen garoonka Caalamiga ah ee Jabuuti iyagoo ku sii jeda wadanka Neejeeriya oo ay kaka qaybgaleen shirka Baarlamaanada Afrika.
Sanadka markuu ahaa 2002 wuxuu hogaaminaayay mudane Abdalle deerowergadii dowlada TNG [Transitional national Goverment] wuxuu na intii shirka socday uu aad ugu olloleenaayay in ay lama huraan ay tahay in dalka Soomaliya lagu maamulo hanaanka Federalka si loo helo nolol iyo nabad kunoolaasho ku helaan bulashada Soomaliyeed wuxuu ka mid ahaa 24tii hogamiye ee saxiixay heshiiskii xabad joojinta iyo dhisada dowlada Federlka.
Bishii Setemper 2004-tii wuxuu ka mid ahaa musharaxiinta loo tartarmaayay Jagda Gadoomiyaha Baarlamanka ee dowlada Federlka ee uu ku guuleestay Shriif Xasan Sheekh Aadam.
Wuxuu Abdalle, shirkii dib u heshiinta Soomaalida ee muddo labo sano ah ka socday dalka Kenya dowladii ka dhalatay golihii Wasiirada lagu soo dhisay loogu magacaabay Wasirkii Dastuurka iyo Arimaha Federlka,
Abdalle deerow wuxuu ahaa Nin bulsho badan oo bashaash ah dadka najaceel dadkana aad u ixtiraama runtana aan ka gabn oo marna aan baqin in uu si bareer ah oo saraaxad leh ugu cadeenaayo afkaartiisa ama mowqifkiisa siyaasadeed siiba masaaliixda siyaasadeed ee qoomiyada ka soo jeedo DM.
Alle ha u naxariisto, waxa laku diley magaalada Baydhabo, shir qool ay u dhigeen cadowga DM.

D) Dr.Xasan Maxamed Nuur Shaatigaduud waxaa uu ku dhashay deegaanka Bakaaro oo hoos imaato magaalada Baydhabo sanadkii 1946dii. Dugsiga qur, aanka wuxuu ku dhamayay malaalada Baydhaba.
Waxa barashadiisii dugsiga hoose dhexe waxaa uu ku qaatay isla magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.
Korneer Shaatigaduud waxaa uu u soo wareygey magaalada Moqdisho oo uu wax barashadiisii dugsiga sare ku qaatay. Markii uu dhameystey waxa barashadiisii dugsiga sare. Waxaa uu ka mid noqdey ciidamadii Soomaaliyeed isaga oo markaas kadibna wax barasho u aaday dalka Talyaaniga halkaasoo uu waxbarasho xaga ciidanimadada nabadsugida kusoo qabaatay. Wuxuu, uu ku manaqaa dalka Talyaanigamudo 4 sano ahisaga oo intaas kadibna dib ugusoo laabtay dalka Soomaaliya isaga oo ah gaanshaale sare oo kamid ah ciidamadii nabadsugida qaranka ee loo yaqaaney NSS.
Wuxuu soo qabtay xilil kala duwan isaga oo ooo soo noqday qaali maxkamadeed, gudoomiye gobol iyo waliba sarkaal sare oo kamid ahaa ciidamadii nabadsugida qaranka ee Soomaaliya.
Wuxuu ka mid ahaa ragii wax ka soo bartey jaamacadii umada ee magaalada muqdisho kusoo bartey cilmiga sharciga kadibna noqdey dictoor. Wuxuu xilil kasoo qabtay xukuumaadii kacaanka ee dalka Soomaaliya. Waxaa uu sidoo kale xilal kasoo qabtay dowladihii kala dambeeyay ee KMG ahaa ee soo marey dalka Soomaaliya. Waxaa uu ku hadli jirey luuqadaha Soomaaliya Maay iyo Maxaatiri Engliish, İtalian, Arabic.Wuxuu ahaa hogaamiyihii uruurka RRA ee uu halganmi jirey inay gobolaada koonfureed ka madax banaanaadaan kooxihii salbaraarta ahaa. Waxaa kale lagu xasuustaa sidiii ay qaybta libaaxlaheed uga qaadatay sugidii amniga muwaadiintii Soomaaliyeed eek u dhaqan gobolada kuunfureed ee dalka Soomaaliya. Waxaa uu wasiir ka arimaha gudaha kazoo noqdey maaamulkii may niin dang eh ee uu madaxweynahaha ka ahaa xasey kaasoo ahaa maamulkii ugu horeeyay eek a hirgaliyay gudaha dalka Soomaaliya balse uu markii dambe socon waayay kadib markii ay kooxo dhul boob ah ku kusoo duuleen.

Ururkii RRA
Magaca RRA, wuxuu micnihiisu yahay Reewin Resistance Army oo loola jeedo micno ahaan [Lidanka wal usku reebowka reewing] Waxaa la aas aasay markii raxween laku soo duulay ayagoo gobaladooda barwaaqo yahay iyo nabad.
Waxaa lagu aasaasay Tuulada udhow Abees Garwaale oo dhoowr iyo 10-km u jirto magaalada Baydhabo oo Xilikaas Gacanta uga jirtay cadowgii ku soo doolay magaalada.
Waxaa dhibada loo taagay sanadku marku ahaa 23 Oct 1995,
Islamarkii waxaa la doortay hogaamiye uu Hogaaminaayo RRAkaasoo loo doortay Coll Xasan Maxamed Nuur oo kumagac dheeraa Shaati Gaduud iyo ku xigeenadiisa Sheekh Aadan Madoobe, Xaabsade iyo Sheekh Abuukar.
Waxaa ladilay dad badan oo miskiin ahaa, waxaa maalin cadey la boobay hantidii gaar ahaneed iyo tii guud la gumaadey Bililiqo, Kufsi, Dilal, Dhaawacyo, Jirdil, Gumaad iyo Guri gubtaan, shacabkii oo xurnimada loo diiday taasoo ay gaartay in dadkii lalaayay meydkooda loo diido in la soo aaso iyo qof nool dhiig looga shibanaayay uu u dhinto dhiig bax, waxaa kamid ahaa ragii marka dhiiga lagu shubtay kadib meedkooda lasoo dhigay afaafka hore ee Xeradii ADC-da marxuum Aadam Yerow, Abdishakuur iyo kuwo kale oo gaaraayaan 7 ruux oo ahaa dagaayahanaadii RRA-da Allah u naxariistee. Sidoo kale Siyaasiintii iyo Malaaqyadii xilikas u gacan kalay cadowga Salbalaarta waxaa ka mid ahaaa Malaaq deerow malaaq yacquub iyo sheikh ibraahiim oo habeen waliba dil u soo bixin jireen.

Waxaa Ururkaas Aas aaskiisa iska lahaa aqoonyahano iyo malaaqyada DM,waxay runtii magacaan waxaa dhaaqlo si toos ah u kaliyay inta badan raga daga baadiyaha ayagoo culeeska saarnaa waxay sooqa keeneen geeloodi, lo’doodi, ariga ay la haayeen iyo maskadoodi ay gacmaha ay ku tacbadeen taasoo ay soo gaartay aduunka oo idil, oo can ku noqotay lakana yaabay awooda ay laheed RRA.
Micnahaasu yahay wax waliba ayaga la yaayeen waxay ka liyeen ururgaas si ay cadowga ku soo dooley uka adkaadaan.
Tuulada Goofyerow oo Baydhbo u jirto dhowr KM ayaa lagu abaaabulay dagaalkii ugu horeyay ee RRA soo qaada waxaana dagalkaas hogaaminaayay oo cidamada dagaal kalinaayay nin laku magacaabo Aw Eehan Samow, raaraastii lagu soo iibiyay xoolo Qaaraan laga aruuriyay reer baadiyaha.
Run ahantii Salbaraal waxaa la tusay in ay noolyihiin raga ay dadkii dhulka lahaa dagaalgaasna uu ahaa mid bilow ah.
Dagaalkii labaad ee RRA soo qaatay ayaa waxaa laga soo abaabulay Tuulada Xaabare oo u jirtay dhowr KM waxayna aheed Xabaare meelaha sida aadka ah RRA looga taageeri jirey ayagana ka dhigan jiren gabaad maadaama tuuladaas aheed ‘tratigic’ meel u wanaagsan in ciidan ay saldhig ka sameesan jireen.
Waxaa dagaal kaasi looga diley tiro kabadan 70 ruux, waxaa dagaal kaasi lagu baabi’ay hogaamiyaashii dhinaca RRA-da niman ay ka mid ahaayeen Aw Eedan Samow, sheikh Xuseen dheere, Yuusuf jaceel, Guurow axmaar, waxyaabahas dagaalkaas lagu xasuusto ayaa kamid ahaa in ragii sidii ay u dagaalamayeen oo nolol inta lagu qabtay kadinba dhiig loogu shubay dhaawcadii Isbitaalka Baydhabo yaaleen ee ee salbalaar ayna u dhinteen dhiig bax.
Rag kamid Aha Baasabuur iyo 3daxdii qofood oo mudulka isku gubay inta cadowga gacanta ukali lahaayeen ka door bideen inay is qarxiyaan, waa taariikh lama iloowaan ah qof waliba oo DM xasuusato sawabtoo ah waxaa la gaarsiiay tii uga danbeesay waana taariikh na soo martay mudana in la xuso mar waliba.
Waxaa ugu horesay meel ay qabsadaan RRA Tuulada ‘‘Duurey Emeed’’ waxaa ku xigay Degmada Qasaxdheere waxaa ku siixigay oo aad loogu farxo aheed qabsashadii magaalada Xudur ee Gobolka Bakool oo ay ku qabsadeen Gaari can ahaaa oo Zuu ah lagu magacaabijiray ‘‘Hoon Yeeresh’’ wuxuu ahaa Gaarigaasi mid aad loogu laayay Muwaadiintii RRA-da marka ay duulaan kusoo qaadaan Banaankii Xudur. Wuxuuna gaarigaas lahaa ‘Hoon’ dhawaqiisu aad u sarareeyay.
waxaa xigtay tii labaad ee kasii farxada badaneed waa maalintii cadowga ku soo duulay gobalada laka safeeyay dhamaaan tooda waxaa la qabsaday magaalada Baydhabo Janaay 6 juun 1999 waa na taariikh marna an duugooweenin inta DM ay jiraan waana taarikh u baahan in lla xuso waayo cadowgii salbalaarta ayaa laka sifeeyay dhulka ay dagaan Qoomiyada Digil iyo Mirifle.