DOOD WADAAG KU SAABSAN TAHRIIBKA IYO DHALINYARADA SOOMAALIYEED OO LAGU QABTAY MAGALADA KHARTOUM.

0

20160429_172924

Waxaa galabkii jimcaha magaaladda khartuum ee caasimadda wadanka suudaan lagu qabtay dood wadaag ku saabsan tahriibka iyo dhalinyarada soomaaliyeed oo uu soo qaban qaabiyay Kulanka ardayda soomaaliyeed iyo barnaamijkiisa dood wadaag ardayda ee baraarug kaaso diiradda lagu saaro marwalbo barnaamijyadda doodeed ee quseeya bulshadda soomaaliyeed iyadoo ay Marti ku ahaayeen sheekh cabdirisaaq xuseen Ciise oo ah bare Jaamacadda boosaaso wax ka dhiga iyo maxamed cismaan cali (mucjiso) oo ah madaxa arimaha bulshadda ee safaaradda soomaaliyeed ee suudaan.

Waxaa ku hormaray sheekh cabdirisaaq oo ka hadlay sababta keentay iney dhalinyaradu tahriibaan isago sheegay in amni daradda,shaqo la’aanta,iyo cadaaladad yari iyo fashilka dowladnimo iyagoo raadinaayo wax ka maqan ay ku riixan iney dhalintu tahriibaan. Asigoo xal uga dhigay in la xaliyo mushkiladahaan sidoo kalena dhalinyaradda wacyigooda kor loo qaado Lana tuso dhibta yurub taasho iyo dhibka loo maro(wadadda) iyo mustaqal la’aan iyo in la fidiyo waxbarashadda loona abuuro shaqooyin dhalinta. Sidoo kalena Waxaa ka hadlay madaxa arimaha bulshadda ee safaaradda oo asna tusay ardaydu iney u istaagaan kana dhiidhiyaan dhibta ku dhaceyso dhalinyaradda Asigoo sheegay in ka safaarad ahaan ku dadaali doonaan iney wax ka qabtaan xoojin doonaan iney wax ka qabtaan. Kadib dood dheer oo ay is dhaafsadeen aqoonyahanaddii mesha isugu yimid ayaa waxa la isku gartay in dhinac looga soo wada jeesto xoogana la saaro doodaha noocaan oo kale si bulshadda mushkiladaheeda xal loogu helo.