Dhageyso Shacabka Mooryaan sheeganayso ciidanka DFS, Ay Ka Qaxiyeen Duleedka Shalambood

0

Gud ahaan dadkii deganaa deegaanada ku xeeraan deegaanka Shalambood ee Gobolka Shabeelada hoose ayaa waxa si qasab ah u ku barakiciyey Mooryaan sheegtay inay yihiin ciidanka qaranka soomaaliyeed .

Dadkan oo gaaray Deegaanka Ceeljaale ayaa dib u dejin logu sameeyey, waxaana ay ka shekeeyeen dhibaatooyinka kasoo raray guryahooda, qaarkood ayaa wata caruur badan oo beri hore ay ugu dambeysay aabayaashood oo ka cararay Mooryaanta sheegta ciidan dowlad oo wata shati dowladeed.