Maamulka Bakool oo bilaabay howlgallo ka dhan ah Al-shabaab,,

0

Wararka inaga soo gaaraya gobolka Bakool ayaa waxa ay sheegayaan saakay in ciidanka dowladda Soomaaliya ee halkaasi ku sugan ay howlgallo ka dhan ah Ururka Al-shabaab ay ka bilaabeen wadada udhaxeysa gobolada Bay iyo Bakool.

Gudoomiyaha gobolka Bakool Maxamed Cabdi Tall ayaa sheegay in howlgaladan ujeedkooda uu yahay sidii la isugu furi lahaa wadada xiriirisa labada gobol ee Bay iyo Bakool, si shacabka halkaasi ku nool ay u isticmaalaan wadadaas.

Waxaana dhanka kale uu sheegay in diyaaradaha AMISOM ay cuntada iyo hubka u keenaan ciidamada dowladda ee ku sugan Bakool maadaama wadada aysan baabuurta soo mari karin sida uu sheegayna gudoomiyaha ay wadada ku sugan yihiin ururka Al-shabaab.

Gudoomiyaha ayaa ugu dambeyn waxa uu sheegay in dhowaan ay soo gaba gabeyn doonaan howlgaladan.