Maamulka Tiyeeglow oo ka hadlay dagaal ay la galeen Al-shabaab,,

0

Maamulka Tiyeeglow ee gobolka Bakool ayaa waxa uu ka warbixiyay howlgallo ay ka sameeyeen degmada Tiyeeglow.

Gudoomiyaha degmada Tiyeeglow Maxamed Cabdulle Food-cadde oo wareysi siiyay Warbaahinta  ayaa waxa uu sheegay in ciidamada gaarka ah ee Koonfur Galbeed ay dagaal la galeen ururka Al-shabaab.

Waxaana uu sheegay in dagaalkaas uu ka dhacay deegaan lagu magacaabo Yookoyow oo ka tirsan degmada Tiyeeglow.

Gudoomiyaha ayaa waxa uu sheegay in dagaalka uusan ka dhalan wax khasaare ah laakiin Al-shabaab ay kala wareegeen deegaankaasi.

Dhanka kale gudoomiyaha degmada Tiyeeglow Maxamed Cabdulle Food-cadde ayaa sheegay in ciidamada maamulka Koonfur Galbeed ay hada ku wajahan yihiin deegaanada kale ee ururka Al-shabaab ay kaga sugan yihiin degmada Tiyeeglow.

Maamlmihii udambeeyay ciidamada dowladda maanulka Koonfur Galbeed ayaa waxa ay wadeen howlgallo ka dhan ah ururka Al-shabaab.