DHAGEYSO: Xilidhibaan Dhaayow oo ka hadlay weerarkii xalay

0

Xildhibaan Aadan Ibraahim Dhaayow oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, oo xalay lagu weeraray bambooyinka nooca gacanta laga tuuro ah  oo la hadlay warbaahinata  ayaa sheegay in uu bad qabo ayna baxsadeen kooxii weerarka fuliyey.

Xildhibaan Dhaayow ayaa  sheegay in uu ka badbaaday weerarkii lagu qaaday gurigiisa , balse  Shan ka mid ah ilaaladiisa uu dhaawac soo gaaray .

Maalmihii ugu dambeeyay, ayaa waxaa soo hagaagaayay ammaanka Magaalada Muqdisho, wuxuuna weerarka hoyga Xildhibaanku ku soo beegmayaa, xilli shalay Degmada Dharkiinley lagu dilay nin ganacsade ahaa.