DHAGEYSO: Madaxweynaha Koonfur Galbeed “Al-shabaab waa in aan ka adkaanaa”

0

Madaxweyanaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Beydhabo ee gobolka Bay, waxaana garoonka diyaaradaha si weyn ugu soo dhaweeyay Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed, Xildhibaano, Wasiiro iyo Qeybaha kale ee bulshada.

Madaxweynaha ayaa waxa uu goobta kula hadlay Bahda Saxaafada, isagoo ka warbxixiyay safarkii uu ku maqnaa iyo waxyaabihii u soo qabsoomay.

Dhanka kale madaxweyne Shariif Xasan ayaa waxa uu ka hadlay dagaaladii ay ciidamada Koonfur Galbeed oo garab ka helaya kuwa AMISOM ay la galeen ururka Al-shabaab.

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa waxa uu ciidamada Koonfur Galbeed uu kula dardaarmay in ay deegaanada Koonfur Galbeed ay ka sifeeyaan ururka Al-shabaab.