DHAGEYSO: Maamulka koofur galbeed oo ka feejigan weerarada Al-shabaab

0

Wasiirka warfaafinta  Maamulka Koofur galbeed Xasan Cabdi Maxamed  oo la hadlay  warbaahinta   ayaa faahfaahin ka bixiyay xaalada amni deegaanada  Maamulka Koofur Galbeed .

Wasiirka  ayaa sheegay in ciidamada  amniga ee mamulka koofurgalbeed ay ka feejigan yihiin weeraro ka dhacay magaalada baydhabo iyo sidoo kale meelaha ay maamulaan koofur galbeed.

Waxa uu tusaalooyin usoo qaaday in ciidamada koofur galbeed soomaaliya ay ka hor tageen weeraro  iyo qaraxyo ay Al-shabaab qorshaynaayeen in ay ka geystan deegaanada maamulkooda.

Al-shabaab ayaa horay qaraxyo weeraro ka fuliyey magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.