DHAGEYSO: Dowladda “dhaqaalaha korontada lagu bixiyo caqabad ayay ku tahay hormarka dalka”

0

Wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah xukuumadada dowladda federaalka Soomaaliya C/raxmaan Yuusuf Ceynte ayaa sheegay si loo hormariyo kaabayaasha dhaqaale ee dalka in ay muhiim tahay in marka hore talaabo laga qaado ama la fur furo meelaha uu ka dabran yahay dhaqaalaha dalka.

Wasiir Ceynte ayaa tusaale u soo qaatay in dhaqaale fara badan lagu bixiyo isticmaalka korontada dalka Soomaaliya islamarkaana Hotelada iyo Shirkadaha waa weyn ee dalka ku yaalla ay bil waliba bixiyaan lacag aad ufara badan oo lagu bixiyo isticmaalka korontada.

Waxaana uu tilmaamay in ay muhiim tahay in arintaasi wax laga qabto si loo hormariyo kaabayaasha dhaqaale ee dalka.

Dalka Soomaaliya ayaa waxa uu ka mid yahay dalalka ay shacabka inta badan dhaqaalahooda ay ku bixiyaan Adeegga korontada.