WAR DEG DEG:- Ciidamada AMISOM iyo Kuwa Dowlada oo dagaal la’aan la wreegay Degaan muhiim ah oo Alshabaab kaga sugnaayeen Sh/Hoose

0

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Milatariga Soomaaliya ayaa inoo Xaqiijiyay in Ciidamada Huwanta ah ay dagaal la’aan la wareegeen Degaanka Janaale ee Gobolka Sh/Hoose.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa horay sidaan oo kale la wareegay Degaanka Janaale,balse la wareegid ka dib wey iskaga soo baxeen.

Dadka ku nool Degaanka Janaale ayaa dhibane u noqday Ciidamada Dowladda & kuwa AMISOM oo isku dhinac ah & Shabaab oo deegaankaas dhowr jeer isku bed bedelay  gacan ku heynteeda.

Wararka qaar waxaa ay sheegayaan in Al-shabaab ayaa Duleedka Degaanka Janaale ku sugan yihiin kuwaas oo la sheegay in ay halkaa isku Aruursanayaan.