Dhageyso:-Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo Caawa Dil ka badbaaday,,

0

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo Magaciisa lagu Magacaabo Xildhilbaan Malaaq Ibraahim Aadan Dhaayoow ayaa Caawa ka badbaaday Weerar ay ku qaadeen Koox Hubeysan oo watay Labo Mooto,iyadoo lagu Weeraray Gurigiisa oo ku yaalla degmada Hodan Ee Gobolka Banaadir.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane ayaa Warbaahinta  u sheegay in Koox Hubeysan oo watay Labo Mooto Bajaaj ay Bam gacmeed ku tuureen Guriga Xildhibaanka,kuwaas oo Weerarka ka dib goobta ka baxsaday.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir ayaa intaa ku daray in Xildhibaan Malaaq Ibraahim Aadan Dhaayoow aysan Waxyeelo ka soo gaarin Weerarka lagu qaaday,balse wuxuu Xaqiijiyay in Afar Askari oo ka tirsan Ilaalada Xildhibaanka ay ku dhaawacmeen,dhaawacaas oo ah mid fudud.

Xildhibaanka Weerarka lagu qaaday ayaa degen Meel u dhaw Xarunta Xarunta Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.