DHAGEYSO: Dowladda oo loogu baaqay in dhalinyarada ay u abuurto fursado shaqo

0

Sadiiq Salaad Warsame Gudoomiyaha Goalaha Dhexe ee Xisbiga Nabadda iyo Hormarka dalka ayaa ka hadlay dhalinyaradii Soomaaliyeed ee dhowaan ku waxyeelowday bada udhaxeysa dalalka Masar iyo Talyaaniga, iyagoo qorsheynayay in ay si tahriib ah ku galaan dalalka Yurub.

Sadiiq ayaa dowladda Soomaaliya iyo Ganacsatada ugu baaqay in looga baahan yahay in ay shaqo abuur usameeyaan dhalinyarada Soomaaliyeed ee ka baxay Jaamacadaha dalka.

Waxaana uu sheegay in dhalinyarada Soomaaliyeed qaarkood ay shaqo la’aan ku heysato dalka loona baahan yahay in shaqo abuur loo sameeyo.

Waxa uu hadalkan Sadiiq uu ka sheegay munaasabad shalay gelinkii dambe ka dhacday magaalada Muqdisho, waxaana loogu dabaal degayay 5 sano guuradii ka soo wareegatay markii la aas aasay Xisbiga Nabadda iyo Hormarka dalka.