DEG DEG: Qarax ka dhacay Maanya Fuulka Baydhabo iyo Weerar Lagu Qaaday Saldhigga Ciidamda KGS Ee Daynuunaay

0

Wararka ka imaanaya degaanka Daynuunaay ee gobolka Bay ayaa sheegaya in iska hor’imaadyo xooggan oo khasaaro badan dhaliyey ku dhexmarey Ciidamda Booliska Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya Maleeshiyada kooxda Al-shabab.

inta la sheegey 5 askari ayaa  ku dhinteen, 8 kalena way dhawacmeen isku hor-imaadkaas iyo weliba Qaraxa miino ee Maaya Fuulka Baydhabo, iyadoona dhinac kale Ciidamada Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya ay  ay gaarsiyeen maleeshiyada Al-shabab Khasaaro badan.

Dagaallada ayaa yimid kadib markii  sida la sheegey ay ciidamada Kooxda Islaamiga Ee Mayalka adage Al Shabaab ay weeraro ku asqeeyeen saldhigyo ay Ciidamada Dowlada Koonfur Galbeed Soomaalia ay ku lahaayeen Degaanka daynuunaay.

Goob joogayaal ayaa warbaahinta idaleNews.com u sheegay in ay kusoo tooseen hugunka iyo daryanka rasaas culculus lays dhaafsanayay.

Ciidamada Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya  ayay usuurtagashay in saacado kooban  ka dib ay isaga cabiyaan maleeshiyada Kooxda Mayalka adag ee Al-shabab.

Xaaladda ayaa saaka caadi kusoo laabatay iyadoona xoogagii weerarka soo qaaday ay dib uga gurteen Degaankaas,

Geesta kale qarax xooggan ayaa saaka aroortii hore Ciidamada booliska Gaarka ah Ee Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya lagula eegtay Maanya fuulka ee duleedka magaalada Bayadhabo, kuwaasoo sida la sheegey ay ahaayeen gurmad.

Qaraxa oo ka dhashay miino dhulka lagu aasay ayaa sida la sheegey  haleelay gaari nuuca Noah-da ah oo ay wateen ciidamo ka amba baxay Degaanka Daynuunaay kunasii jeeday gudaha Baydhabo Ee  Xarunta Gobolka Bay.