Dhageyso:-Gudoomiye Jawaari “Turkiga waa in ay gacan naga siiyaan hirgelinta arimaha doorashooyinka”

0

Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari gudoomiyaha baarlamaanka dowladda Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula qaatay danjiraha dowladda Turkiga u fadhiya magaalada Muqdisho.

Kulankan oo ka dhacay Xafiiska Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa waxaa Guddoomiye Jawaari iyo Danjire Olgan Bakar uga wada hadleen dedejinta dib u dhiska xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho.

Waxaana la sheegay in  hada uu diyaar yahay mashruucaasi islamarkaana ay soo gaba gabowday qiimeyntii lagu sameynayey xarunta Golaha Shacabka, iyadoo dhowaana si rasmi ah u bilaaban doono dib u dhiskeeda.

Kulanka intii uu socday waxaa sidoo kale looga wada hadlay dar dar gelinta wada shaqeynta guddiyada saaxiibtinimo ee Baarlamaannada Soomaaliya iyo Turkiga taasi oo la isla gartay iney tahay mid muhiim ah oo aan laga maarmin.

Danjire Olgan Bakar danjiraha dowladda Turkiga u fadhiya magaalada Muqdisho ayaa uga mahad celiyey  baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ansixinta ay dhowaan ansixiyeen heshiiska dhanka Caafimaadka ah ee Soomaaliya iyo Turkiga kaasi oo ay Baarlamaanka Federaalka u soo gudbisay Wasaaradda Caafimaadka.

Ugu dambeyntii Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo xaga siyaasadda ka hadlayey ayaa ka codsaday dowladda Turkiga iney gacan buuxda ka siiyaan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya hirgelinta arimaha doorashooyinka la filayo in ay Soomaaliya ka dhacaan dhamaadka sanadkan 2016.