Dhageyso:-Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya Oo Ka Hadlay Dibaatooyinka Soo Noqonoqday Ee Ka Taagan Gobalka Sh/ Hoose.

0

Abdukadir Sharif Sheikhuna Maye Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya Oo War Fidiyeenka Kula Hadlay Gudha Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobalka Bay Ayaa Waxaa Uu Ka Hadlay Dhibaatoyin Mudooyinkii U Dambeeyay Laga Soo Sheegaayay Qeybo Kamid Ah Gobalka Sh/Hooose.

Gudioomiye Maye Ayaa Waxaa Uu Sheegay Inay Ka Xunyihiin Dhibaatooyinka Loo Geysanaayo Dadka Shacabka Ah Ee Aan Waxba Galabsan Asagoona Tacsiyo U Direy Ehalada Dadkii Dhowaan Lagu Laayay Qeybo Kamid Ah Gobalka Sh/Hoose.

Wuxuuna Sidoo Kale Sheegay In Dhibaatooyinkan Ay Kala Hadleen Dowladda Federaalka Soomaaliya Waa Sida Uu Hadalka U Dhigay Gudoomiye Abdukadir Sharif.

Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Ayaa Mudooyinkii U Dambeeyay Wuxuu Waday Dadaalo Nabadeed Oo Ah Sidii Lagu Soo Afjari Lahaa Dagaallada Sanadaha Badan Ka Taagnaa Gobalka Shabeelaha Hoose.