DHAGEYSO: Guddiga Dastuurka oo baaq u diray Shacabka

0

Guddiga Dastuurka  ee baarlamaanka Soomaaliya  ayaa  shacabka ugu baaqay in ay aragtidooda ka dhiibtaan qodobada dastuurka dalka.

Gudoomiyaha guddiga dastuurka baarlamaanka Soomaaliya xilidhibaanad Maryan Cariif oo ka hadashay kulan looga hadlayey arimaha dastuurka oo lagu qabtay Muqdisho waxay shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan  hormarinta iyo wax ka badalka dastuurka ayna soo  gudbiyaan fikradaha wax dhisaaya.

Xilidhibanada ayaa sheegay in ay muhiim tahay in shacabka Soomaaliyeed  aragti ku yeeshaan wax ka badalka dastuurka.

Maryan Cariif  sidoo kale sheegtay in loo   baahanyahay maamul goboleedyada ay ka qeyb qaataan hormarinta dastuurka dalka.