Shir looga hadlay dib u eegista Arrimaha Dastuurka oo ka furmay Muqdisho

0

Shir looga hadlayay dib u eegista Dastuurka ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho, iyadoo shirkan ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Dastuurka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Shirkan oo socon doona labo maalmood ayaa waxaa ka qeyb galaya Ururada bulshada rayidka ee ka socda gobolada dalka, waxaana halku dhiga shirkan uu yahay xog la wadaagista iyo ka qeyb gelinta ururada bulshada rayidka ee dib u eegista Dastuurka.

Guddoomiyaha Guddiga la socodka Dastuurka ee Baarlamaanka Drs Maryan Cariif Qaasim ayaa sheegtay in shirkan uu yahay mid looga tashanayo arrimo badan oo ku aadan dib u eegista, iyadoo faah faahisay qodobada laga hadlayo.

Drs Maryqan Qaasim ayaa sheegtay in qodobada ugu muhiimka ah ee laga doodi doono ay ka mid yahay sida laga yeelayo magaalada Muqdisho oo ah caasimada dalka, maqaamka ay yeelaneyso, waxa laga sameynayo jinsiyada, awoodaha aqalka hoose iyo aqalka sare iyo arrimo kale oo muhiim ah.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa banaan ee dib u eegista dastuurka Maxamed Dahir Afrax ayaa sheegay in muhiimada shirkan uu yahay sidii qeybaha bulshada talooyinkan lagu biirin lahaa dib u eegista dastuurka, si loo helo dastuur ay u dhan tahay shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka Wasaaradda Dastuurka Xuseen Sheekh Maxamed Xuseen ayaa sheegay in Wasaaradda ay kordhin doonto kulamada wada tashiga iyo talooyinka shacabka ee ku aadan dib u eegista

Wasiirka ayaa sheegay in Wasaaraddiisa ay horumarineyso la tashiyada bulshada iyo dhamaan xubnaha maamul goboleedyada, isagoo xusay in guddiyadan dastuurka ay kabi doonaan cutubyada laga soo shaqeeyay, waxaana uu xusay inay jiraan qodobo aad u muhiim ah oo ku saabsan arrimaha siyaasada, taasoo u baahan in wada tashi laga sameeyo.

Ugu dambeyn Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ayaa muddooyinkii u dambeeyay kulamo wada tashi oo ku saabsan dib u eegista dastuurka ku qabaneysa magaalooyinka dalka, iyadoo bisha soo socota ee May uu ka furmi doono Garowe shir looga hadlayo arrimaha dastuurka, kaasoo ay ka qeyb geli doonaan Madaxda dowladda Federaalka iyo Madaxda dowlad goboleedyada.

dib u eegis (1) dib u eegis (2) dib u eegis (3) dib u eegis (4) dib u eegis (5) dib u eegis (6) dib u eegis (7)