Dhageyso:+Sawiro: Ragii Isku Qarxiyey Duleedka Buurhakaba iyo Dowlada KGS Oo Maanta Fashiley Qaraxyo

0

Ciidamada Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayaa waxa ay maanta fashiliyeen qaraxyo la  Sheegey in la doonaayay in weeraro looga gaysto Magaalada Baydhabo Ee Gobolka Bay.

Ciidanka, ayaa waxa ay howlgallo ka sameeyeen inta u dhaxeyso wadada xiriirisa Baydhabo iyo Buurhakaba, gaar ahaan Deegaanka Raydable. Waxayna amar ku bixiyeen inay isa soo dhiibaan nimankii weerarada ku diyaarinaayay guryahaasi.

Illaa sagaal nin oo guryahaasi ku sugnaa, ayaa waxay iska caabin ugala horyimaadeen Ciidanka Koonfur Galbeed Soomaaliya, iyadoo kolkii ay rasaasta ka dhamaatayna ay lix ka midda is qarxisay, halka nolosha lagu soo qabtay saddexdii kale.

Ciidanka, ayaa sidoo kale waxay gacanta ku soo dhigeen suumanka ka samaysan walxaha qarxa, qoryo iyo rasaas, iyagoona u soo qaaday dhinaca Magaalada Baydhabo.

Taliyaha Ciidanka Nabad Suggida Ee Baydhabo, Maxamed Isaaq Ibraahim (Aflow), ayaa waxa uu warbaahinta, u sheegay inay helayn macluumaadka ku saabsan raggaasi, isla-markaana ay la wadaageen Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, kuwaa oo ku guuleystay buu yiri inay fashiliyaan weeraradii kooxda Al-shabab.

Ugu dambeyntii, Taliyaha, ayaa tilmaamay saddexda nin ee ay gacanta ku soo dhigeen inay yihiin Amiiro Ururka Al Shabaab ka tirsan, iminkana ay ku hayaan Xarumaha Nabad Suggidu ku leedahay Baydhabo.