Dhageyso:-Dagaal dib uga biloowday Xadka Gobolka Galgaduud uu la leeyahay Itoobiya,

0

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Galgaduud gaar ahan Xaduudka Gobolkaasi uu la wadaago Itoobiya ayaa sheegaya inuu Saaka dib u Qarxay Dagaal Culus oo u dhexeeya Ciidamada Liyuu Boolis iyo Dad Shacab ah oo halkaa ku nool.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu yimid ka dib markii Ciidanka Liyuu Boolis ay Weerar ku qaadeen Dad Reer Guuraa ah oo ku nool Meel u dhaw Degaanka Miir-cowleed ee Gobolka galgaduud.

Rasaas Goos goos ah ayaa laga maqlayaa halkaa,waxaana sidoo kale Labada dhinac ay kala helayaan Gurmad.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Ciidamo ka baxay Magaalada Gaalkacyo ay degaanadasi gaareen,inkastoo aan wararkaas wali la xaqiijin.

Dagaalkaan ayaa shalay halkaa ka qarxay,waxaana uu yimid kadib markii Dadka ka soo jeeda Dhanka Galmudug ee la dagaalamaya Ciidanka Liyuu Boolis lagu amray in ay Degaanadaas ka guuraan.