Dhageyso:-Ciidamada Koonfur Galbeed oo fashiliyay qaraxyo la doonayay in laga geysto Beydhabo

0

Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa waxa ay maanta fashiliyeen qaraxyo la doonaayay in weeraro looga gaysto Magaalada Baydhabo.

Ciidanka, ayaa waxa ay howlgallo ka sameeyeen inta u dhaxeyso wadada xiriirisa Baydhabo iyo Buurhakaba, gaar ahaan Deegaanka Raydable. Waxayna amar ku bixiyeen inay isa soo dhiibaan nimankii weerarada ku diyaarinaayay guryahaasi.

Illaa sagaal nin oo guryahaasi ku sugnaa, ayaa waxay iska caabin ugala horyimaadeen Ciidanka Koonfur Galbeed, iyadoo kolkii ay rasaasta ka dhamaatayna ay lix ka midda is qarxisay, halka nolosha lagu soo qabtay saddexdii kale.

Ciidanka, ayaa sidoo kale waxay gacanta ku soo dhigeen suumanka ka samaysan walxaha qarxa, qoryo iyo rasaas, iyagoona u soo qaaday dhinaca Magaalada Baydhabo.

Taliyaha Ciidanka Nabad Suggida Ee Baydhabo, Maxamed Isaaq Ibraahim (Aflow), ayaa waxa uu warbaahinta KGS, u sheegay inay helayn macluumaadka ku saabsan raggaasi, isla-markaana ay la wadaageen Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Koonfur Galbeed, kuwaa oo ku guuleystay buu yiri inay fashiliyaan weeraradii kooxda Ugus.

Taliyaha, ayaa tilmaamay saddexda nin ee ay gacanta ku soo dhigeen inay yihiin Amiiro Ururka Al Shabaab ka tirsan, iminkana ay ku hayaan Xarumaha Nabad Suggidu ku leedahay Baydhabo.