Deg Deg: Taliye Kuxigeenka Nabad Sugidda Konfur Galbeed oo gaaray Magaalada Marka

0

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeelada hoose ayaa kusoo waramaya in goordhow halkaasi uu gaaray Taliye ku xigeenka Nabad Sugidda Koonfur Galbeed Jeneraal Maxamed Xuseen Adeerey.

Jeneraalka iyo Ciidamo uu horkacaayo ayaa waxaa si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Marka.

Jeneraal Adeereey waxaa hada uu kulamo la qaadanaya Waxgaradka Beesha Biimaal.

Ilaa iyo hada lama oga imaatinka Wafdigan waxaa uu ku saabsan yahay, wixii Warar ah ee kasoo kordha arimaha la xiriira Wafdigaan, gadaal ayaan idin kaga soo gudbin doonaa.