AKHRISO:- Heshiis la Sheegay in laga gaaray Colaadii ka taagneyd Gobolka Sh/Hoose

0

Gudoomiyaha Gobolka Sh/Hoose ayaa shaaca ka qaaday in labadii beelood oo ku dagaalmayay Gobolka S/Hoose ay heshiis gaareen.

Isagoo u warramayay warbaahinta Waxa u Guddoomiyaha Gobolkaasi sheegay in maanta magaalada Marka lagu soo gabgabeeyay heshiis lagu soo afjarayo colaadii u dhaxeyay beelihii dhawaanhanba hurgufta ka dhaxeysay ee Degaano ka tirsan Gobolka Sh/Hoose.

Qodobada horudhaca u ah heshiiskaasi waxaa ka mid ah sida ay  hadalka u dhigeen:-

1-Xabad joojin

2-In shacabka isdhexgali karo dhinacba dhinac kale.

3-in magac qabiil la isku adeegsan iydoo colaad lagu hurinayo.

4-Amisom iyo Ciidamada qalabka sida ee Somaliya inay ilaaliyaan in dhinacyada ishaysta mid waliba halka ay joogto soo dhaafin.

Talaabadan ayuu sheegay inay ka danbeysay wada hadalo laba usbuuc u socoday waxgaradka beelahaasi, ayna Talaabadan sida uu Guddoomiyihu sheegay ay soo dhaweeyeen dadweynaga Gobolka Sh/Hoose.

Warku wuxuu intaa raaciyay in laba dhinac heshiiska gaaray ay ku balameen in hadii allah idmo berito la kala qaado Maleeshiyaadka is hor fadhiya.