Norway oo qorsheyneysa in ay sharciga kala noqoto Soomaalida haysata sharciga kumeel-gaarka ah

0

Dowladda Norway ayaa bilaabeysa qorshe sharciga degnaaanshaha aan rasmiga ahayn loogala noqonayo dadka Soomaalida ah ee haysta ee ku nool dalka Norway, kadibna dib loogu celin karo dalkoodi Soomaaliya.

Wasiirka Qaxootoiga iyo is-dhexgalka ee dalka Norway haweeneyda lagu magacaabo Sylvi Listhaug oo ka tirsan Xisbiga midiga fog ee FRP ayaa ku dhawaaqdey qorshahan.

Waddamo badan oo ka tirsan qaaradda Yurub ayaa joojiyey dhamaan sharciyada la siin jiriye dadka Soomaalida ah, waxaana ay Soomaaliya u wada dirsadeen Safiiradii u fadhiyey dalka Kenya kuwaas oo loo magacaabey in ay Soomaaliya safiir uga noqdaan. Sababta ugu weyn ayaa ah sidii ay Dowladda Soomaaliya ugala hadli lahaayeen qorshaha qaxootiga lagu celinaayo, taas oo aan suurta gal ahayn haddii labada dal aysan ka dhexeyn cilaaqaad diblomaasiyadeed.

Shabadkadda Warbaahinta ee norsomnews.com ee ka dhisan dalka Norway ayaa baaritaan ku samaysey sharciga cusub ee Norway in uu ka dhaqan galo ay suurta gal tahay. Shabakada NorSomNews.Com ayaa arrimahan la xiriirisey siyaasiyiin Dowaldda federaalka ka tirsan oo booqasho kala geddisan ku tegay dalka Norway.

Linkiga hoose ka kahri baaritaanka shabakaddu samaysey.

Dowlada Norwey oo bilaabaysa inay sharciyada kala noqoto soomaalida aan degenaanshaha qaadan.

 

TEEDAKELA WAXAY SOO ROGTAY ARIMO KELA

Dowlada Norwey ayaa kor u qaaday lacagta looga baahanyahay inuu qofku shaqeeyo sanadkii si uu ugu dacwoodo qof qoyskiisa ah. Sylvi Listaug oo ah wasiirka arimaha soo galootiga, kana tirsan xisbiga mayalka adag ee FRP ayaa lacagtan kor u qaaday 20%, kuna kordhisay 50.000  oo dheeri ah. Awal hore waxaa qofka laga rabay inuu shaqeeyo  252.200 sanadkii si uu qof ugu dacwoodo.

Listaug ayaa sheegtay in sababta lacagta ay u kordhisay ay tahay in qofka wax u dacwoonayo uu yahay qof isku filan dhaqaale ahaan, isla markaana kafaalo qaadi kara nolosho qofka uu wadanka keenayo.

Xisbiga FRP oo talada wadanka la haya xisbiga kale ee Høyre ayaa geed gaaban iyo mid dheerba u fuulayo si uu u adkeeyo soo galootiga dadka ajnabiga ee ka imaanaya wadamada aan reer galbeedka ahayn. Horey ayay usoo jeediyeen 40 qodob oo ay rabaan inay ku adkeeyaan sharciga magangalyo doonka wadanka, waxaase wali ka taagan dood kala dhaxaysa xisbiga ay bahwadaagta yihiin ee KRF iyo Venstre.