DHAGEYSO:- Wasaarada Caafimaadka oo shaacisay tirada dadka uu soo ritay cudurka Shuban biyoodka

0

Wasaarada caafimaadka dowladda  Soomaaliya ayaa shaacisay tirada dadka uu soo ritay cudurka Shuban biyoodka  oo ka dilaacay  deegaano hoos yimada gobolka Jubbada Dhexe.

Wasaaradu waxay sheegtay in ay jiraan tiro dad oo uu soo ritay cudurka shuban biyoodka oo ku dhufay gobolka jubba hoose, gaar haan magaalooyinka Saakow , Bu’aale, Jilib

magaalada Bu’aale oo ah magaalo madaxda gobolka Jubbada Dhexe waxa uu soo ritay 21 qof, waxaana u geeriyooday hal ruux.

Sidoo kale degmada  Saakoow waxa uu Cudurka shuban biyoodka Soo ritay 54 Qof, 11 ayaa u dhimatay sida ay Wasaarada caafimaadka ay sheegtay.

Magaalada Jilib oo igaduna ka katirsan gobolka Jubbada Dhexe  waxa uu cudurkaasi soo ritay 7 qof mana jirin wax dhimasha ah.