Dhageyso:-War hada ah: Al-shabaab oo Weerar Culus ku qaaday Magaalada Buula-mareer.

0

Wararka ka imaanaya Magaalada Buula-mareer ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in Al-shabaab ay Weerar ku qadeen Saldhig Ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin Magaaladaasi.

Goobjoogeyaal ayaa Xaqiijiyay in Shabaab ay Weerar Culus ku qaadeen Ciidamada AMISOM,iyadoo Ciimada AMISOM ay iska dicaafeen Weerarka Shabaab.

Ilaa hadda lama Oga Khasaaraha kala gaaray Labada Dhinac iyo Dadka Shacabka ah ee ku nool Magaalada Buula-mareer ee Gobolka Shabellaha Hoose.