DHAGEYSO:- 30 Saraakiil oo ka tirsan Ciidanka booliiska Soomaaliya oo tababar loogu qaaday Dalka Talyaaniga

0

ku dhawaad 30 Saraakiil ciidan oo ka tirsan Booliiska Soomaaliya ayaa maanta ka amba baxay Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Saraakiishaan ayaa Tababar aqoon kororsi ah ku soo qaadan doono Dalka Talyaaniga gaar ahaan magaalada Roma, waxaana halkaasi lagu soo bari dooni sida Ciidanka booliiska Soomaaliya uu ula shaqeyn karon shacabka.

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya General Maxamed Sheekh Xasan Xaamud iyo Saraakiil kale ayaa maanta garoonka muqdisho ku sii sagootiyay 30 Sarkaal oo ka tirsan saraakiisha Ciidanka Booliiska Soomaaliya.

Taliyaha Ciidanka booliiska Soomaaliya general Xaamud oo warbaahinta kula hadlay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ayaa u mahad celiyay Dowlada Talyaaniga.
Waxa uu sidoo kale sheegay in Dowlada Talyaaniga ay mar walibo garab taagan tahay Ciidanka booliiska Soomaaliya.