Kulankaan ku saabsanaa sidii looga hortagi lahaa dhibaatada Tahriibka,

0

Kulankaan ku saabsanaa sidii looga hortagi lahaa dhibaatada Tahriibka, loogana wacyi gelin lahaa dhalinta in ay galaan badaha, oo lagu qabtay Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ka tirsan Dowlada federaalka Soomaaliya.
Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Wasaarada dhalinyarada iyo Cayaaraha, Wasiirka Wasaarada diinta iyo awqaafta, qaar ka mid ah gudoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir, iyo ururada Haweenka heer Qaran iyo heer gobol.

Dhalinyarada ka qaybgalayay Kulanka ayaa dhankooda waxa ay weydinayeen Su’aalo la xariira dhibaatooyinka tahriibka, qaabka loogu hortagi karo

Hoos ka Dhageyso Warbixinta kulanka:-