Dowlada Turkiga oo Diyaar u ah inay Soomalia ka Caawiso Dhismaha Hay’adaha Dowliga ah

0

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Turkiga Numan Kurtulmus ayaa sheegay iney weli diyaar u yihiin inay caawiyaan dadka Soomaaliyeed si ay u dhistaan hay’adahooda dowliga ah.

“Turkigu wuxuu weli diyaar u yahay inuu caawiyo walaalihiis Soomaaliyeed si ay u dhistaan hay’adahooda dowliga ah, waxaan dayactir ku sameynay garoonka diyaaradaha waxaan furnay isbitaal si aan u taageerno Soomaaliya laakiin arrinta ugu wanaagsan waxay tahay inay dhistaan nidaamka dowladnimo & hay’ado waxtar leh waxaana ogahay in dhibaatooyin badan oo waaweyn ay idin haystaan oo dhinacyo badan idinkaga imaanaya laakiin wey waxaad ku joogtaan wadadii saxda ahayd” ayuu yiri Numan Kurtulmus.

Waxa uu tilmaamay Ra’iisul wasaare ku xigeenka Turkiga Numan Kurtulmus in hadii jawi siyaasadeed wanaagsan ay hesho Soomaalida inay ka maarmi doonaan faragelin shisheeye oo aayahooda iyaga un ka tashan karaan.

“Haddii aad sameysataan jawi siyaasadeed oo wanaagsan waxaad awoodi doontaan inaad adinku arrimihiina ka wadahadashaan taasoo meesha ka saareysa in faragelin lagu sameeyo arrimihiina siyaasadeed iyo go’aan qaadashadiina” ayuu yiri raisul wasaare ku-xigeenka.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay in Somalia ay hadda u baahan tahay keliya inaad jawi siyaasadeed oo degan lana dhiso hay’ado horumarineed oo hufan.

“Anagu waxaan diyaar u nahay inaan idinka taageerno dhammaan waxyaabahaas” ayuu hadalkiisa yiri Numan Kurtulmus oo ah ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Turkiga.

Dowlada Turkiga oo hadda ah saaxiibka ugu weyn dowlada iyo shacabka Soomaalida ayaa magaalada Muqdisho iyo qeybo kale oo ka mid ah dalka ka wada mashaariic horumarineed oo kala duwan.